Madaxweynaha la doortay oo Guushii Xisbigiisa kaddib ka hadlay Dareenkiisa iyo Masuuliyadda la saaray (DAAWO VIDEO)

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha la-doortay ee Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa guushii maanta loo dhawaaqay kaddib la hadlay saxaafadda, waxaanu u mahadceliyey dhammaan shacbiga, Saddexda Xisbi Qaran iyo Ciidamada Ammaanka.

FB_IMG_1510486343580Md Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey dareenkiisa ku aaddan guusha uu xisbigiisu ka gaadhay doorashada iyo masuuliyadda xilka loo igmaday, waxa uu sheegay inuu dareemayo culays weyn oo la saaray, maanta laga bilaabana ay u siman yihiin dhammaan shacbiga Somaliland isla markaana uu ka shaqaynayo midnimada shacabka iyo xoojinta ammaanka dalka.

MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO SHIR-JARAA’IDKII U HORREEYEY EE UU QABTO MADAXWEYNAHA LA DOORTAY

https://youtu.be/hpCizbDMqfA