Madaxweynaha Koonfurta Sudan oo dhaliil u jeediyey Dhiggiisa Khartuum iyo baaqa Xoghayaha Qaramada Midoobay

Beijing (SLpost)- Madaxweynaha Koonfurta Sudan Mr Salva Kiir oo booqasho rasmi ah ku jooga caasimada dalka Shiinaha ayaa maanta ku eedeeyay Xukuumada Khartuum in dagaal aan loo kala hadhin ay ku soo qaaddo dalkiisa .

Salva Kiir waxa uu eedayntan ka dhawaajiyay mar uu maanta kulan la lahaa dhiggiisa dalka Shiinaha Huu Jiin Town oo labada dal ee Sudan xidhiidh wanaagsan la leh isla markaana ka qaadata shiidaalka ay soo saaraan intiisa ugu badan.

Dhinaca kale Xoghayaha Guud ee Qaramada Midooobay Baan kii Moon ayaa maanta ku booriyay Madaxweynayaasha Juba iyo Khartuum inay ka digtoonaadaan talaabo kasta oo keeni karta dagaal hor leh oo dhex mara labada dawladood ,waxaanu ugu baaqay inay isugu yimaadaan Miiska Wada hadalka mar kale.

Baan kii Moon waxa uu canbaareeyay weerarkii ay diyaaradaha dagaalka ee Xukuumada Khartuum ay ku qaadeen suuq ku yaala Magaalada Baantuul ee koonfurta dalkaasi oo dad shacab ahi ku dhinteen.

SLpost News/Hargeysa