Madaxweynaha Kenya oo ka Hadlay Musuqmaasuqa Dalkiisa Hadheeyay

Nairobi(SLpost)-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo shalay khudbad dheer uga jeediyay shacabka, Taleefishinka Qaranka Kenya; ayaa farriin adag u diray dadka ku kaco musuq-maasuqa oo uu sheegay iney la kulmi doonaan ciqaab adag.

Khudbaddiisa ayuu ku xusay in musuqa Kenya hadheeyay uu halis ku yahay amaanka, uuna keeni karo curyaamin dhaqaale, eex, hanti lunsasho iyo Laaluush ka dhaca mushtamaca dhexdiisa.

Wuxuu intaas ku daray Madaxweyne Kenyatta, in xabnaha ka tirsan xukuumadiisa ee lagu helo iney ku lug leeyihiin xatooyo ay la kulmi doonaan ciqaabo kala duwan, isagoona ugu baaqay Guddiga la dagaalanka Musuqa Kenya iney isha ku hayaan xubnaha damacsan iney wax isdaba mariyaan.

Dhanka kale, RW hore ee Kenya Raila Odinga oo hada ah Hoggaamiyaha Xisbiga CORD ee mucaaradka ah; ayaa ugu baaqay Madaxweyne Kenyatta inuu xilka ka qaado saraakiisha sar-sare ee ka tirsan dowladiisa ee loo haysto hanti lunsashada.

Sidoo kale, shacabka waddanka Kenya, ayaa fikrado kala duwan ka muujiyay khudbadii uu Madaxweynuhu kaga hadlay arrimaha Musuq-maasuqa, waxeyna qaarkood sheegeen iney u arkeen qudbadaas mid lamid ah khudbadihii ay horay u maqli jireen oo ayna waxba ka badali karin arrinta Musuq-maasuqa. Halka qaar kalana ay soo dhaweeyeen, iyagoo ku tilmaameen hadalka Madaxweynaha inuu yahay mid wax weyn ka badali karo Musuq-maasuqa  ka jiro Kenya.

Ugu dambeyn Sabtidii aynnu soo dhaafnay ayey ahayd markii wasiiradii hore ee hawlaha baahinta awooda Kenya – Anne Waiguru ay iska casishay xilkii ay haysay kaddib markii lagu eedeyay iney lunsatay hanta fara badan.