Madaxweynaha JSL oo Magacaabay Wasiir-xigeenka Dib-u-dejinta JSL

 

Hargeysa(SLpost)-Madaxweynaha Jamhiiriyadda Somaliland ayaa waxa uu maanta oo jimce ah magacaabay wasiir-xigeenka Wasaarada Dib-u-dejinta Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo u magacaabay Aadan Cabdilaahi Nuur oo hore u ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL.

Warsaxaafadeed Saaka ka soo baxay madaxtooyada JSL oo uu ku sexeexan yahay Afhayeenka madaxtooyada Xuseen Dayr oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska Somalilandpost ayaa u dhignaa sidan:

WAR-SAXAAFADEED

Taariikh: – 30/10/2015

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-36561/102015 ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dib-u-dejinta Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dib-u-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday;

 

In Mudane, Aadan Cabdulaahi Cabdalle Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dub-u-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Hore Agaasimihii Diinta iyo Awqaafta)

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Eng. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Dayr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.