Somaliland: Isku Bedel iyo Magacaabid lagu sameeyay Agaasimayaal Guud

Hargeysa (SLpost) War saxaafadeed mar dhawayd naga soo qaadhay xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada JSL ayaa ahaa  digreeto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu soo saaray, Taasoo uu is bedel iyo magacaabid ku sameeyay qaar ka mid agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dalka.

War saxaafadeedka oo faahfaahsanina waxa uu u dhignaa sidan:

 

                                                                                                                                 Taariikhda: – 21/09/2015

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3606/092015 isku bedel iyo magacaabid uu ku sameeyey qaar ka mida Agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha Jamhuuriyada Somaliland.

madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:                   Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo in isku beddel iyo magacaabid lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan;

Markuu Ka Fiirsaday:               Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay:                  In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

 

Isku bedelka

Wuxuu go’aansaday in laga bilaabo taariikhda Xeerkan

 

In Mudane, Abiib Axmed Cali, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Waxbarashada ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

In Mudane, Yuusuf Axmed Cali, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

In Mudane, Maxamed Xasan Ibraahin, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

In Mudane, Saleebaan Jaamac Diiriye, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Magacaabida

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Muxumed (Abdeeq), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland

 

ALLAA MAHAD LEH

   Axmed Saleebaan Dhuxul

Afhayeenka Madaxtooyada JSL