Madaxweynaha Jabuuti oo Sharraxay Asbaabaha U Suurta-geliyey Horumarka iyo Fursadaha Maal-gashi ee Dalkiisu Helay

Djibouti (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele, ayaa ka hadlay fursadaha dalkiisa u saamaxay horumarka uu gaadhay iyo helitaanka maal-gashi caalami ah oo laga fuliyo.

JABUUTIMadaxweyne Geelle oo shalay hadal ka jeediyey munaasibad loo sameeyey Safiir Cusub oo dalka Faransiisku u magacaabay inuu wakiil uga noqdo dalka Jabuuti oo waraaqihiisa aqoonsiga kaga guddoomay, waxa uu carrabta ku dhuftay in sababaha u horseeday inuu dalkiisu ku guulaysto helitaanka Maalgashi caalami ah, ay ka mid tahay markii ay qaateen nidaam sharcigiisu dimuqraaddiyad ku dhisan yahay.

“Waxaanu qaadannay talaabooyin kala duwan oo keenay inaan noqono dal soo jiita maalgashiga caalamka, annagoo dammaanad qaadnay in la helo xasilooni iyo nabadgelyo dalkayaga ka jirta,” ayuu yidhi Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Dhinaca kale, Safiirka Cusub ee dawladda Faransiisku u magacowday dalk aJabuuti Mr. Serge Mucetti, oo munasibadda ka hadlay, ayaa soo bandhigay aragtida dawladdoodu ka qabto Islaamka iyo Kooxda Xag-jirka ah.

“Dalka Faransiisku kuma jahwareeraan kala garashada argagxisada iyo dadka diinta islaamka ku dhaqma,” ayuu yidhi Serge Mucetti oo ka hadlayey qaabka ay ula macaamilaan dadka Muslimiinta ah ee dhaqan dalkiisa oo lagu tilmaamo waddanka ay Muslimiinta ugu badani ku nool yihiin qaaradda Yurub.

Safiirka Faransiiska oo ka hadlayey doorka uga bannaan ilaalinta ammaanka iyo nabad-gelyada dalka Jabuuti, waxa uu yidhi, “Qorshaha Faransiisku waa inaan xuduudaha dalkan aan saaxiibka nahay dhaawac ka soo gaadhin argagxisada, isla markaana ka taageerno ka hortagooda weerarada argagaxisada.”

Safiirka dawladda Faransiiska u magacaabay inuu wakiil uga noqdo dalka Jabuuti, ayaa xil la wareegistiisu ku ku soo beegmaysaa iyada oo muddo bil ah laga joogo weerarro is-qarxin ah oo kooxda Al-Shabaab ka fulisay maqaaxi ku taala badhtamaha caasimadda Jabuuti.

Munaasibadda waxa goob-joog ka ahaa wasiirkiisa Arrimaha Dibedda Maxamed Cali Yuusuf iyo Taliyaha Ciidanka Faransiiska ee saldhigyada Milatari ku leh gudaha dalka Jabuuti.

 

SOMALILANDPOST.NET