Madaxweynaha Jabuuti oo kulan aan ujeeddadiisa la shaacin la yeelanaya Guddoomiyaha Xisbiga UCID iyo Tuhunnada ku lammaan

Nuxurka Warbixin Wakaalado kala duwani ka qoreen Kulanka dhex-mari doona Madaxweyne Geelle iyo Guddoomiye Faysal

HARGEYSA (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa la filayaa inuu kulan la yeesho Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe maalmaha soo socda, xilli uu shaaca ka qaaday inaanay macquul ahayn in Xukuumadda keligeed lagu eego ilaalinta Xuquuqda, balse loo baahan yahay inay dhammaan qeybaha bulshadu kaalinta kaga beegan uga qaadan lahaayeen.

Faysal_GeeleKulanka Madaxweyne Geelle iyo Guddoomiye Faysal oo ay baahisey Wakaallada Wararka ee Indian Ocean NewsLetter shalay, ayaan faahfaahin dheeraad ah lagu sheegin marka laga reebo in Eng. Faysal Cali Waraabe yahay dhexdhexaadiyaha Xisbiyada Somaliland.

Hadduu xaqiiq noqdo kulanka Madaxwyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa ku soo beegmaya wakhti maalmo horteed barta Wargeyska Hubaal lagu baahiyey dano kala duwan oo Xukuumadda Jabuuti ka doonayso in looga fuliyo Somaliland sidii ay ugu qancin lahayd Xisbiyadda Mucaaradka, ka dib markii hore ay isugu khilaafeen Madaxweyne Siilanyo xilli uu booqasho soo maray Jabuuti.

Wararka lagu baahiyey mareegta Hubaal ayaa sidoo kale lagu sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) hore xidhiidh u dhexmaray dawladda Jabuuti  u ballan-qaaday inuu fulin doono danaha ay ka leeyahiin Somaliland, beddelkeedana taageero dhaqaale u siin doonaan, inkastoo aanay labada dhinac midkoodna beenin xaqiiqada warkaas.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlayey Xaflad lagu xusayey maalinta Xuquuqda Aadamaha tobankii bishan aynu ku jirno oo lagu qabtay Jabuuti, ayaa sheegay “Xuquuqal Iinsaanku waa caalami, balse maaha sida dadka qaarkood u haystaan inay tahay culays waddamada reer Galbeedka ku khasbaan dalalka soo koraya.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Geelle.

Mar uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ka hadlayey muhiimadda Xuquuqda Aadamuhu leedahay, ayuu sheegay inuu yahay mid caalami ah oo qof walba la doonayo inuu ilaaliyo, si xaqiisa loo ilaaliyo, waxaanu yidhi; “Waxa jirta xaqiiq muuqata, balse xilli walba aan sheegno. Xuquuqul insaanku waa caalami. Waxaan ugu celinayaa, inaan meesha ka saarno fikir dadka qaarkii u arkaan in ilaalinta xuquuqal insaanku tahay culays waddamada reer Galbeedku ku khasbaan dalalka soo koraya.”

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay inaanay macquul ahayn in Xukuumadda keligeed lagu eego ilaalinta Xuquuqda Aadamaha, balse loo baahan yahay inay dhammaan qeybaha Bulshadu kaalinta kaga beegan ka qaataan, waxaanu yidhi; “Xukuumaddu ma noqon karto, mana ahaanayso keligeed mid lagu eego wax ka qabashada Xuquuqal Iinsaanka, laakiin ilaalinta xuquuqdu waa inay gaadhaa dhammaan Weelasha Bulshada, sida Ururrada bulshada rayidka ah iyo Ururrada kale, hoggaamiyeyaasha Culimada iyo hoggaamiyeyaasha dhaqanka. Sababtoo ah, bulshada rayidka ah qeybaheeda kala duwan waajib ballaadhan ayaa ka saaran gudashada xilkooda ilaalinta Xuquuqda Bani’aadamka.”

XIGASHO: Wargeyska Himilo