Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay Hab-dhaqanka Dibin-daabyooyin hay’adaha Qaramada Midoobay ku hayaan ee Soomaaliya

Minneapolis (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa markii u horeysay ka hadlay hab-dhaqannada hay’adaha Qaramada Midoobay iyo bulshada caalamku u marin-habaabiyaan baahiyaadka dhaqan-dhaqaale ee ka jira dalkaasi Soomaaliya, isaga oo xusay in sifooyin khaldan looga faa’idaysto taakulooyinka ay qaadhaan-bixiyeyaashu ugu yaboohaan dalkaas.

Madaxweynaha Jabuuti oo dhagax-dhigay Waddo Laami ah oo Isku Xidhaysa dalkiisa iyo magaalo-xuduudeedka Somaliland u dhaxaysa ee LawyacaddoIsmaaciil Cumar Geelle waxa uu sheegay in beesha caalamku aanay sideeda uga soo bixin ballan-qaadyo malaayiin dollar ah oo hore loogu yaboobay dib-u-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, waxaanu carrabaabay inay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, oo ay ku yaalaan hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawl-gala Somaliya, ay noqoto meel lagu lunsado dhaqaalaha loogu talo-galay umadda Soomaaliyeed iyo in qaybo ka mid ah adeegyadii ay ahayd gudaha Soomaaliya in laga hawl-galiyo ay gacanta ku hayaan hay’ado laga leeyahay waddamo shisheeye, kuwaas oo ay ka mid tahay maamulka hawada sare.

Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu sidan ka sheegay munaasibad ballaadhan oo jaaliyadaha Reer Jabuuti iyo kuwa Soomaaliya ugu qabteen magaalada Minneapolis ee waddanka Maraykanka, waxaanu ugu horeyn dadkii ka qayb-galay xafladdaas u jeediyey dar-daaran ku aaddan dhismaha dalkaasi Somaliya iyo taageeradiisa, waxaanu yidhi, “Kheyr waxaad waddanka u taraysaan, dad baaba’aybaa dul-jooga oo leh kan ka erya meesha, waar qarankiibaa la raadinayaaye, maxaad qofkan walaalkaaya u sheeganaysaa. Annaga Dedaalkayagu waxa weeyi dusha inaanu ka ilaalinno. In aanu Soomaalida wixii aanu ku odhanayno ku nidhaahno, waxa ay wax ka kharriban yihiinna inay noo tilmaamaan weeyi.”

Md Geelle oo ka hadlayey hab-dhaqanka beesha Caalamka iyo burburka Soomaaliya, waxa uu yidhi, “Waxaan idhi Soomaaliya waxay doonaysaa wixii loo ballan-qaaday. Waxa la yidhi Soomaaliya waxa la siiyey Saddex Bilyan oo Dollar, laakiin cid aragtay maad leedihiin, waa maya. Markaa marka waddanka la dhisayo Xoolahaa lagu dhisaa. Qaramada Midoobay wixii ay lahayd xafiis oo dhan, Nayroobi bay iskala fadhiisatay, xitaa hawadii iyo meeshii laga maamulayey, waxa laga dhigay Nayroobi.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo si gaar ah ula hadlayey jaaliyadda reer Jabuuti ee ku dhaqan Minnesota, waxa uu hadal duur-xul ah oo uu ku dhaliilayo ugu gudbiyey inay xukuumaddiisa ka joojiyaan mucaaradnimada dib-joogga ay ee ay u muujiyaan siyaasiyiinta axsaabta mucaaradka ah iyo taageerada qabiilka ku dhisan ee ay la garab-taagan yihiin.

SOMALILANDPOST.NET