Madaxweynaha iyo Weftigii uu hoggaaminayey oo si ballaadhan loogu Qaabiley Garoonka Diyaaradaha magaalada Addis Ababa (SAWIRRO)

Addis Ababa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo weftigii uu hogaaminayo ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee Bole international waxaana madaxweynaha kaga hortagay masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dawlada Ethiopia.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ay ka mid yihiin wasiirka Arimaha dibada Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis wasiirka waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali iyo Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, ayaa waxa sidoo kale loo soo galbiyey Qolka VIP madaarka Adis-ababa. Waxaana soo dhawaynta madaxweynaha ka qaybqaadanayey wasaarada arrimaha dibada ee Ethiopia iyo safiirka midowga Africa u fadhiya dalka Ethiopia iyo Chief Protocol ka Ethiopia, sidoo kale masuuliyiinta safaarada Somaliland ayaa goob joog ka ahaa soo dhawaynta madaxweynaha oo ugu horeeyo safiirka Aadan Nuux Dhuule iyo safiir ku xigeenka Ayaanle Salaan Diiriye.

Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hogaaminayo intay joogaan Dalka Ethiopia waxay kulamo la yeelaan doonaan madaxda dalka Ethiopia iyadoo xidhiidhka labada dal ka dhexeeya ee qotada dheer ka wada hadli doonaan.