Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Burkina Faso Oo Ciidanku Isku Hareereeyeen

SL(Post)-Madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee dalka Burkina Faso Michel Kafando iyo raysal wasaarihiisa oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada dalkaas, ayaa ciidamo gadoodsan oo taageersan madaxweynihii hore ee dalkaasi ku go’doomiyeen xarunta madaxtooyada, halkaas oo ay mar qudha gaadh ku wareejiyeen una diideen wax dhaq dhaqaaq ah in ay sameeyaan.