Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa oo Abaalmarinno Guddoonsiiyey Arday Kaalmaha hore ka Galay Tartamo Qur’aanka Kariimka iyo Axaadiista Nebiga (NNKHA)

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta galab qasriga madaxtooyada ku qaabilay Arday ka kala socotay gobollada dalka oo ku guulaysatay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah oo Xukuumaddu maal-galisay.

Kulankan sida la sheegay ahaa mid aan dalka hore uga dhicin, waxa uu ahaa mid xagga madaxweynaha ka yimid markii uu u fidiyey Ardaydaa tartan loo galo xifdiga Qur’aanka Kariimka ah, waxaana halkaas abaalmarinno lagu guddoonsiiyey tartamayaashii ku guulaystay kaalmaha koowaad, labaad, saddexaad iyo afraad.

Ardayga ku guulaystay kaalinta koowaad oo la yidhaahdo Cabdirisaaq Cabdilaahi Maxamed kana socday Gobolka Sool, ayaa la guddoonsiyey baabuur noociisu yahay Indha-caddaha oo ah oo ku diiwaan-gashan Numberkii ugu danbeeyey, Lacag iyo Kutub.

IMG_9423Ardayga kaalinta labaad ku guulaystay oo magaciisa la yidhaahdo Mahad Cali Xuseen kana Gobolka Maroodi-jeex, ayaa la guddoonsiiyey Laptop, $1,000 (Kun Dollar) iyo hadyado kala duwan oo ay ka mid yihiin Kutub iyo Saacado.

Waxa sidoo kale kaalinta Saddexaad ku guulaystay Cabdishaakir Maxamed Axmed oo ka socday Degmada Wajaale, waxaana la guddoonsiiyey Abaal marin ah $800 iyo Telefoonka Gacanta nooca Samsung Galaxy 3 iyo Hadyado kala duwan, halka Cabdishakuur Axmed Maxamed oo ka socday gobolka Togdheer, la guddoonsiiyey Kitaab Tafsiir ah, $500 (Shan boqol oo Dollar), Saacad iyo hadyado kala duwan oo kale.

IMG_9383Dhanka kale,Madaxweyne ku xigeen Somaliland Md Cabdiraxamaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta soo xidhay tartanka Axaadiista iyo Qur’aanka Kariimka ah oo lagu qabtay Hotel Ambassador ee Hargeysa, kaas oo ay Arday ka socotay gobollada dalku ku tartamayeen 30-ka Jus,20 jus iyo 10 ka Jus ee Qur’aanka Kariimka.

Tartankan oo ahaa kii ugu horreeyey noociisa ee lagu tartamo Axaadiista isla markaana Kulan Afur iyo Casho ah loo qabtay Gunaanadkiisa, ayaa waxa ka soo qayb-galay Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Xildhibaanno, madax-dhaqameed, ayaa madaxweyne ku-xigeenku halkaas waxa uu abaal-marinnadii ay mutaysteen kala ardaydii kaalmaha hore ka galay tartanka oo isugu jiray Hablo iyo Wiilal.

SOMALILNADPOST.NET