Madaxweynaha Iiraan Xasan Rawxaani Oo Sheegay Inuu Dalkiisa Bog Cusub U Furmay

Iran's former top nuclear negotiator Hassan Rowhani flashes a victory sign after registering his candidacy for the upcoming presidential election at the interior ministry in Tehran on May 7, 2013. Iran began a five-day registration period for candidates in Iran's June 14 presidential election, with a string of conservative hopefuls in the running but with key reformists yet to come forward, media reports said. AFP PHOTO/BEHROUZ MEHRI (Photo credit should read BEHROUZ MEHRI/AFP/Getty Images)

Iiraan(SLpost)-Madaxwatnaha Iiran Xasan Rawxaani ayaa sheegay in dalkiisu uu furay bog cusub wuxuuna hadalkaasi jeediyay saacado uun kaddib markii cunaqabataynta laga qaday.

Cunaqabateenada caalamiga ahaa ee saarnaa ayaa la qaaday kaddib markii hay’adda Qaramada Midoobay ee quwadda atoomikada ay xaqiijisay in ay adeecday heshiis loogu talagalay in looga hortago in ay kobciso hubka nukliyeerka.

Hay’adda Caalamiga ah ee Quwadda Nukliyeerka ee loo soo gaabiyo IAEA, ayaa waxa ay sheegtay in dowladda Iiraan ay soo dhameystirtay tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee ay ku bilaabi laheyd dhaqangelinta heshiiska nukliyeerka.

Agaasimaha guud ee hay’adaasi, Yukiya Amano, ayaa sheegay in “maanta ay tahay maalin muhiim u ah bulshada caalamka”. Baadhayaasha hay’adda ee ku sugan gudaha Iiraan ayaa xaqiijiyay in Iiraan ay qaadday tallaabooyinkii laga doonayay, ayuu sii raaciyay.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Federica Mogherini ayaa sheegtay in heshiiska uu ka qeyb qaadan doono horumarinta ammaanka iyo nabadda gobolka iyo caalamka.

Heshiiska Taariikhiga ah ayey Iiraan iyo quwadaha caalamku wada galeen bishii Luulyo ee tagtay.Cunaqabateenada laga qaaday Iiraanna waxa ay u sahlaysaa in ay hesho hanti gaadhaysa balaayiin doolar iyo weliba in saliidda Iiraan si caalami ah loo iibsan doono.