Madaxweynaha Iiraan Oo Doonaya Isbadalo Siyaasi Ah

IIran(SLpost)-Madaxweynaha Iran, Xasan Rouhani, ayaa sheegay in siyaasiyiinta doonaya isbadalka loo ogolaado inay ka qayb qaataan doorashada baarlamaanka ee bisha danbe.

Masuuliyiinta diyaarinaya doorashada ayaa ka mamnuucay siyaasiyiinta isbadalka doonaya in ay isdiiwaan galiyaan.

Boqolkiiba hal oo kaliya ayaa loo ogolaaday ilaa hadda inay is sharaxaan.

Hadal uu baarlamaanka ka jeediyay ayuu Mr Rouhani sheegay, in baarlamaanka uu ahaado “Aqalkii Dadka” laakiin ma aha inuu ahaado aqal koox gooni ah ay leeyihiin.

Kooxda goonida ayuu uga jeedaa siyaasiyiin mayalka adag ee ka tirsan kacaanka Iran ee ku badan baarlamaanka.