Madaxweynaha Hogaamin Doona Maamulgobaleedka Jubaland Afarta Sano Ee Soo Socda oo La Doortay

 

Somaliya(SLpost)-Doorashadii madaxweynaha ee maamul gobaleedka Jubaland ayaa lagu doortay Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo hore u ahaa madaxweynii kumeelgaadhka ahaa ee maamulkaas.

Axmed-Madoobe

Axmed Madoobe ayaa helay 68 cod oo ka mid ah codadka 70 xildhidhaan ee dooraanaayay, waxaanu sidaas xilka ku hayndoonaa afarta sano ee fooda inagu soo haya. dawlada fadaraalka ah ee Somaliya ayaa iyadu ku dhawaaqday inay taageersantahay madaxweynaha loo doortay maamul gobaleedka Jubaland.

Axmed Madoobe madaxweynaha loo doortay maamul gobaleedka Jubaland oo isla goobta lagu doortay lagu dhaariyay ayaa balan qaaday in xukuumadiisu ay xooga saari doonto dib u heshiisiinta maamulgobleedkaas.