Madaxweynaha Faransiiska iyo Raysal Wasaaraha Britain oo khamiista Booqasho aan La Sii Shaacin ku tagaya Libya

Paris, (SLpost):-Wakaalada wararka Faransiiska ee AFP ayaa sheegtay in Ilo wareedyo aad loogu kalsoon yahay oo xukuumadaha Faransiiska iyo Ingiriiska ka tirsani ay si buuxda ugu xaqiijiyeen wakaaladooda in khamiista ay dalka libya booqan doonaan Madaxweynaha Faransiiska Nicolas Sarkozy iyo Raysal Wasaaraha Britain David Cameron, waxaanay wakaaladu cadaysay in socdaalkoodu ku jihaysan yahay magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Libya.

Booqashadan oo sababo ammaan awgeed hoos loogu dhigay ayaa waxa kale oo isna dhiniciisa ka xaqiijiyay hogaamiyaha golaha ku-meel gaadhka Qaranka ee dalka Libya Mustafe Cabdi Jaliil oo qaar ka mid ah warbaahinta caalamku wax ka waydiisay. Sidoo kale wakaaladaha wararka ee Faransiiska ayaa siyaabo kala duwan uga faalooday socdaalka Madaxweynaha Faransiiska ee Libya waxaanay qaar badan oo ka mid ahii baahiyeen xubno ka tirsan ilaalada madaxweynaha iyo tobanaan boolis Faransiis ah oo loo diray Tripoli si ay qayb uga noqdaan hawl galada lagu sugayo ammaanka Madaxweyne Sarkozey, hasa yeeshee waxaan iyadu arrintaa ka hadal warbaahinta Ingiriiska.

War arbacadii lagu faafiyay shabakada wararka Jariirada “Marianne” ee ka soo baxda dalka Faransiiska ayaa sheegaya in ciidamadda ammaanka ee dalka Faransiisku u direen magaalada Tripoli 160-askari oo ka hawl gali doona sugitaanka ammaanka madaxweyne Sarkozy marka uu tago magaaladaas. Ma jiraan ilaa wali warar rasmi ah oo ka soo baxay xarumaha looga taliyo dalalka Faransiiska iyo Britain hasa yeeshee waxa si buuxda socdaalka labadan hogaamiye u cadeeyay hogaamiyaha ku-meel gaadhka ee dalka Libya Mustafe Cabdi Jaliil oo sheegay in Sarkozy imanayo Tripoli maalinta khamiista wallow aanu carabaabin saacada uu rasmi ahaan u imanayo.

Labadan hogaamiye ee reer galbeedka ahii waxay door laxaad leh ka ciyaareen, dagaalkii xukunka lagaga tuuray hogaamiyihii hore ee dalka Libya Colonel Mucaamar AlQadaafi, oo diyaaradaha dagaalka ee labada dal maalin walba duqayn u gaysan jireen ciidamadii ka amar qaadanayay.

Sidoo kale dawlada Faransiiska ayaa ahayd dalkii ugu horeeyay ee aqoonsaday golaha ku-meel gaadhka qaranka ee dalka Libya ee xaruntiisu ahayd magaalada Bangazi, waxaanu madaxweynaha Faransiiska Mr. Sarkozey bishii Jun ku dhawaaqay in hogaanka sharciga ah ee dalka Libya yahay golaha ku meel gaadhka ah, oo wakhtigaas dagaal adag kula jiray Qadaafi.

Faysal Maxamed Xasan

Daralla066@gmail.com