Madaxweye ku-xigeenka Aabihii oo maanta lagu Aasay magaalada Boorama iyo Masuuliyiinta Qaranka oo Tacsi Tiiraanyo u diraya.

Boorama, 16 March, 2012 (SLpost)- Waxa maanta magaalada Boorama si heer qaran ah loogu aasay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Aabihii Marxuum Cabdilaahi Ismaaciil Shire oo maanta ku geeriyooday, laguna aasay magaalada Boorama.

Xubno sare oo ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno ka tirsan labada Gole qaran, maamulka Degmada Borama iyo gobolka Awdal, Madax-dhaqameed iyo dadweyne aad u tiro badan ayaa ka qayb-galay munaasibadda aaska marxuumka.

Markii uu dhammaatay Aaska waxa madaxweyne ku-xigeenka iyo qoyskiisaba tacsi u diray xubno wasiirro ah oo madaxweyne ku xigeenka kala qayb-galay jinaasadda Aabihii, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi X. Xasan, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Cabdi aw-Daahir, kuwaas oo dhammaantood Eebbe uga baryey inuu Marxuumka Naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhammaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay Samir iyo iimaan ka siiyo.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Mudane Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa tacsi diray Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) isaga oo ka oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timid  Aabbihii Alle ha u Naxariistee Marxuun Cabdilaahi Ismaaciil Shire oo ku Geeriyooday Maanta Xarunta Gobolka Awdal ee Boorama .

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu tacsi taa la mida u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay Marxuuumku.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net