Madaxweyanaha Somaliland iyo weftigii uu hogaaminayay oo maanta Gelinkii Dambe ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera (DAAWO VIDEO)

Berbera (SLpost)- Madaxweynaha Somalland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  oo toddobaadkii hore Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta kaga qaybgalay shirkii wada-hadallada u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa maanta gelinkii dambe ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Berbera.

Weftiga Madaxweynaha waxa  garoonka ku soo dhaweeyay xubno wasiiro ah, xildhibaanno iyo maamulka gobolka Saaxil, waxaana ay ka hadleen wada-hadalladii dalka Imaaraadka ka dhacay oo ay ku tilmaameen qaar guul ku soo dhamaaday.

Madaxweyne Siilaanyo oo saxaafada kula hadlay qolka nasashada ee garoonka, waxa uu sheegay in wada-hadallada uga faa’iidaysteen sida ay qadiyadda Somaliland ugu caddayn lahaayeen weftiga ka socday dhanka Soomaaliya, isla markaana halkaas lagaga dhawaaqay in gargaarka caalamiga ah si siman loo qaybsan doono.

Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay wasiirka Arrimaha dibeda Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo saxaafada u akhriyay qodobada heshiis lagu gaadhay Dubai, isaga oo sheegay in hadallada ka soo yeedhay madaxweynaha Somalia Sh. Shariif aanu waxba u dhimayn jiritaanka Somaliland.

[youtube http://www.youtube.com/watch?v=sG8vN4n_Dsw]

SLpost News/Hargeysa