Madaxweyaha Somaliland oo Lagu Soo Dhaweeyey Bole International Airport oo uu Uga Sii Gudbi doono Safarkiisa Maraykanka.

Addis-Ababa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo maanta gelinkii dambe ka dhoofay gegida diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa gaadhay madaarka diyaaradaha ee Bole International Airport ee magaalada Addis Ababa.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo safar shaqo ugu sii jeeda Dalka Maraykanka, waxa madaarka Bole Airport ku soo dhaweeyey madax sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibeda dalka Ethiopia iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Ethiopia.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa loo gelbiyey qolka nasashada madaxda ee Garoonka, halkaas oo ay saacadaha soo socda ka sii amba-qaadi doonaan safarkooda dalka Maraykanka.

Safarka Madaxweynaha ee dalka Maraykanka ayaa salka ku haya marti-qaad rasmi ah oo dowladda Maraykanku soo diray Somaliland, waxaana la filayaa inuu madaxweynuhu kulan kula qaato magaalada Washington ee caasimadda Maraykanak saraakiil uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaan-dhigga ee dalkaas.