Madaxwayne Siilaanyo oo ka warramay natiijada Socdaalkiisii Imaaraadka, Caawana Ku Nagaaday magaalada Berbera

Berbera (SLpost)_ Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu Hoggaaminayay ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhamaystay socdaal shaqo oo shan maalmood qaatay oo uu ku tagay dalka Imaaraadka carabta oo uu ka helay marti qaad rasmi ah.

Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa oo galabta ka soo degay madaarka Berbera waxa halkaasi ku soo dhaweeyay Wasiirro, madaxda gobolka iyo degmada Saaxil iyo dadweyne tiro badan.

Berbera_Weftiga madaxweynaha (2)Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo madaarka ugu waramayay saxaafadda, ayaa sheegay in socdaalkiisii imaaraadka carabtu uu ugu dhammaaday guul isla markaana ay masuuliyiinta sar-sare ee dalkaasi kala hadleen sidii loo sii adkayn lahaa cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inay dawladda Imaaraadka carabta u bandhigeen inay wax kala qabtaan mashaariic kala duwan oo la xidhiidha horumarka sida waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, wadooyinka iyo adeegyadda kale daruuriga ah.

Madaxweynuhu waxa uu la kulmay Wasiirka Madaxtooyadda ee Imaaraadka carabta, Waliyul cahdiga Dubia iyo Wasiir Ku xigeenka wasaarada Arrimaha dibada Imaaraadka carabta.

Berbera_Weftiga madaxweynahaMadaxweynaha iyo weftigiisa waxa magaalada Abu Dhabi ee Dalka isu-tagga imaaraadka ka soo raacay  Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo tan iyo wakhtigii ka dambeeyey guushii Xisbiga UCID ka gaadhay doorashadii goleyaasha deegaanka socdaal ugu maqnaa dalka debeddiisa gaar ahaan dalalka Yurub iyo Woqooyiga Ameerika.

Weftiga Madaxweynaha waxa xubno ka ahaa Wasiirrada Madaxtooyadda, Arrimaha dibadda, Macdanta, Beeraha, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda, Wasiir Ku xigeenka warfaafinta, Wasiir Ku Xigeenka Caafimaadka, Afhayeenka Madaxtooyadda iyo marwada koowaad ee Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET