Madaxwayne Siilaanyo oo Guddi u  Magacaabay Hubinta Arrimaha Cabashadu Ka Taagantahay ee Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye

Hargeysa(SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta soo saaray digreeto uu ku magacaabayo guddi baadhis iyo hubin ku samaysa arimaha cabashada keenay ee shirka golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee ku mudaysan bishan maanta billatay tobankeeda.
Digreetadan madaxweyne oo ku soo baxday war-saxaafadeed uu ku sexeexan yahay afhayeenka madaxtooyada Xuseen Dayr oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Somalilandpost ayaa waxa uu u dhignaa sudan:

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay  JSL/M/MG/241-3670/112015 ku magacaabay  Guddida Hubinta Arrimaha Cabashadu Ka taagantahay ee Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

Xubnaha Gudida:-

Ku:    Mudane, Xasan Axmed Aadan,

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka 

Ku:    Mudane, Maxamed Faarax Xirsi,

          Guddoomiyaha Akaadamiyadda Nabadda iyo Horumarka

Ku:    Mudane, Axmed X. Cali Cadami,

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga  

Ku:    Mudane, Axmed Muxumed Madar,

Guddoomiyaha Guddida Maamul Wanaagga      

Ku:    Mudane, Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinnif),

Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda SOLNAC         

Og:    Hoggaanka Xisbiga KULMIYE

Og:    Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE

Og:    Murashaxiinta Ku tartamaysa Xisbiga KULMIYE Dhexdiisa

Ujeeddo:     Magacaabid Guddida Hubinta Arrimaha Cabashadu Ka taagantahay ee Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, waxa Xisbiga KULMIYE dhexdiisa ka dhashay muran iyo cabasho la xidhiidha qaabka loo agaasimayo Shirka Golaha Dhexe ee u muddaysan 10/11/2015-ka, cabashooyinkaasi oo ay saldhig u yihiin:

  1. Liisaska Xubnaha Golaha Dhexe iyo qaabka loo diiwaangaliyey.
  2. Buuxinta xubnaha bannaanaaday iyo habka loo maray.
  3. In xubnaha qaarkood wax-ka-beddel lagu sameeyey sifihii asal ahaan ay kaga mid ahaayeen Golaha Dhexe.

Anigoo ka duulaya qodobbada kor ku xusan, waxaan la kulmay xubnaha Hoggaanka Xisbiga Kulmiye ee metelaya dhinaca cabashadu ka timi, isla markaana ka dhegaystey waxa ay ku qotonto cabashadoodu. Sidoo kale, waxaan dhegaystey doodda xubnaha kale ee Hoggaanka Xisbiga ka tirsan ee metelaya dhinaca laga cabanayo.

Haddaba, waxaan ku qancay inay lagama maarmaan tahay in wixii tuhun iyo mad-madow ah laga saaro habsami u socodka hawsha diiwaangalinta xubnaha Golaha Dhexe, si loo helo madal loo siman yahay oo cid waliba ku tartami karto.

Sidaas darteed Mudanayaal, waxaan idiin magacaabay in aad si madax-bannaan u hubisaan in uu jiro wax khaladaad ah, idinka oo u kuur-galaya arrimaha cabashadu ka jirto oo dhan.

Ugu dambayn, waxaan idiin rajaynayaa in aad masuuliyaddan u gudan doontaan si xilkasnimo leh.

 

 

ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.