Madaxwayne Siilaanyo oo Dhagax-dhigay Jid Isku Xidhaya Kalabaydh ilaa Wajaale iyo Soo-dhawayn baaxad leh oo reer Gabiley ku Qaabileen

Gabiley (SLpost)- Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dhagax dhigay jid isku xidhaya Magaalooyinka Kalabaydh iyo Wajaale, kaas oo wasiirro xukuumadda ka tirsan hore u dhagax-dhigeen hirgelinta dhismihiisa.

Madaxwayne Siilaanyo iyo weftigiisa oo ka soo laabtay safar ay ku tageen Magaaladda Boorama oo ay xalay ku dhaxeen, ayaa dadwaynaha Magaalooyinka, Gabiley iyo Kalabaydh kala kulmay soo dhawayn balaadhan, iyadda oo weftiga Madaxwaynaha laga soo galbiyey meel aad uga durugsan Kalabaydh.

Madaxwayne Siilaanyo iyo weftigiisa ayaa waxa Magaaladda Gabiley ku soo dhaweeyay dadwayne tiro badan oo qaarkood ku labisnaayeen calanka Qaranka Somaliland, iyadda oo ka hor intii aanu soo gaadhin Gabiley uu xadhiga ka jaray jidka Kalabaydh iyo Wajaale, kaasi oo dhismihiisa la bilaabayo.

Madaxwayne Siilaanyo iyo Masuuliyiinta Gobolka Gabiley ayaa halkaasi hadal ka jeediyay, iyagga oo faahfaahiyey muhiimadda jidkani shacabka u leeyahay.

Badhasaabka gobolka Gabiley Axmed Cali Nuur oo halkaasi ka hadlay ayaa Madaxwaynaha ku soo dhaweeyay Gobolka Gabiley, “Madaxweyne waxaanu kugu soo dhawaynaynaa Gobolkayaga Gabiley,”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray, “Madaxwayne Wadadani 30 sanno ka hor ayaa la dhisay, dadka iyo gaadiidka isticmaalaa saacado badan ayey ku qaadataa inay Wajaale gaadhaan, run ahaantii dhib badan ayey kala kulmaan xiliga roobabka.”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Abiib Timo-cadde oo ka mid ahaa Masuuliyiin sii abaabulay dadka soo dhaweeyay Madaxwaynaha oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi, “Mudane Madaxweyne waxa kuu diyaar ah umaddii reer Gabiley, Suldaankeedii, odayadeeddii, haweenkeedii, dhalinyaradeedii, xildhibaanadeedii iyo dhammaan waxgaradka gobolka Gabiley, waxayna ku leeyhiin gacmo furan ku soo dhawaw.”

Madaxwayne Siilaanyo ayaa isaguna halkaasi ka jeediyay hadal Mahad-naq u badan “Waxaan aad ugu faraxsanahay soo dhawaynta aad ii samayseen ee aan la ii kala hadhin”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya jidka uu dhagax dhigay “Wadadani qiimo-weyn ayey u leedahay dalka guud ahaan, gaar ahaan gobolka Gabiley, waxaan isticmaala gaadiidka ugu badan ha noqoto ganacsiga ha noqoto gadiiddka tagaya dalka itoobiya, ha noqoto gadiidka shicibka ee dalkeena waxayna kobcineysaa horumarka Wadanka, inshaa Allahaa Wadadani waxay noqoneysaa mid faa’iido badan, waxaanan rajaynayaa inay dhakhso u dhamaato”

Madaxwayne Siilaanyo iyo weftigiisa ayaa markaa ka dib loo soo galbiyey dhinaca Magaaladda Gabiley halkaas oo aad loogu soo dhaweeyey.

Madaxweyne Siilanayo iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa galabta ku soo guryo noqday caasimadda Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET