Madaxwayne shaqaalaha Dawladdu waxay kaa sugayaan Cadaalad ay ka waayeen Hay’adda Shaqaalaha Dacwaladda JSL

GuunAqalo’aan Dab Lagu Shidin

Oo Reeraa Dam Yidhi

Dulmiga Jiroo

Dad Iswada Qabaa Tantu Kala Furtoo

Imisa Tukaan Camirnaa Doraad .

Daaqadaha Xidhoo .

Daasadi Dhex Ool.

Maxaa loola yaabayey Dacwladii Siyaad Bare , ee lagaga cabanayey Dulmiga ,Tacadiga  iyo Qabyaaladda , Sawta maanta Dalkeena intaas iyo in ka badanba ay habeen iyo maalinba ka dhacayaan ,waxaan inaga qarsoonayn  iyadoo shaqaalihii Dawladda lagu Eryo sifo kasta oo sharci daro iyadoo looga dan leeyahay, ama masuulka hadba meeshaa joogaa rabo in uu keeno  oo uu ku badalo kuwo ay isku hayb yihiin taas oo noqotay sune ka mid ah kuwa ugu xun xun ee dalka lagaga dhaqmo maanta.

Waxaa bishii Dhawyd Maxkamaddaha hoose Gobolka Maroodi jeex Hargeysa laga Eryey  tiro ku dhaw 14 qof oo shaqaale ah , oo ahaa kuwa ay ku dhacdo Hawsha shaqo ee Maxkamadduhu,iyadoo Erigaa loo Adeegsaday qaab qabyaaladeed oo Baal maarsan sharciyadda Dalka ee shaqaalaha.

Aan idin xasuusiyo Nidaamka Dacwliga ah ee ay ku dhisan tahay S/land wuxuu ka kooban yahay Saddex waaxood oo siman .

  1. Xukuumadda .
  2. Xeer Dajinta .
  3. Garsoorka.

Kuwaas oo midina aanay mid ku fara galin hawlaheega maamul isku ilaaliya sharciyadda Guud ee dalka ,

Haddaba waxaa dhacday in Gudoomiyaha maxkamadda Rafcaanka Gobolka Hargeysa (C/Rashiid Maxamed Maxamuud Duraan uu isticmaalay Awood ka baxsan Ta ay u jideeyeen Dastuurka iyo Xeerarka qaranku , waxa uu xaq u leeyahay in uu warbixin ka gudbiyo Garsooraha Maxkamaddaha ka shaqeeya halka kaaliyaha sare ee Maxkamadda Rafcaankuna xaq u leeyahay in uu warbixin iyo Dacwadba uga gudbiyo wasaarada cadaaldu oo ay hoos tagaan kaaliyayaasha Maxkamaddaha hoose iyo shaqaale hoosaadka, haddaba odhan mayno Gudoomiyayaasha Maxkamadda Gobolka , Rafcaanka iyo degmaddu may garan waayin sharciyadda ay ku fadhiyaan Meesha ee waxaynu odhan karnaa Rabitaankooda ayaa ka waynaaday sharciga ,waxaa se ka sii daran wasaarada cadaaladda iyo haayadda shaqaalaha oo ah haayadihii ay hoos tagayeen shaqaalahani oo ka waabin kari waayey Dad qaadka la soo tagay , dadkan Dulmanayaasha ah ee aan lahayn awood ay iskaga caabiyaan iyagoo Eegaya in ay u hiiliso Haayaddahan oo sharci ahaan hoos tagaan , ayaan daro Bal u fiirso qoraalka lagu Eryey Shaqaalahan , ee ka soo kala baxay , wasaarada cadaalada xafiiska wasiirka wasaaradda Xuseen Axmed Caydiid sumadeeduna tahay WC&AG/XW/G-02/126/13,  ee la qoray 25/03/2012, ujeedaduna tahay ka Saarid shaqo iyo Warqadda kale ee Gudiga Anshaxmarinta ee iyana sumadeedu tahay WC&AG/XW/G-04/125/13, EE iyana la qoray 25/03/2013, Anshax marin kaaliyayaal, iyo Xaashida ka soo baxday  xafiiska Gudoomiyaha shaqaalaha Dawaladda JSL sumadeeduna tahay CSC/WC&A-G/06-40/2013 ee iyana ku taariikhaysan 25/03/2013, ujeedaduna tahay SHAQO KA SAARIS SHAQAALE .

Hadaba saddexdan waraaqood  Hal maalin ayaa la wada qoray , waxaan waydiinayaa Dadwaynaha iyo xukuumadda, wasiiradda ,gudiyadda Anshaxa iyo Gudida Haayadda shaqaaluhu ma meel bay wada fadhiistaan oo xafiis gooniya ayay wada leeyihiin ?  miyaanay halkaa ka cadayn Shirqoolka loo maleegay Shaqaalahaa ,  yaase xaq u leh in uu qof shaqaale ah shaqadda ka saaro sida sharciga shaqaaluhu qabo,waxaa qof shaqaale ah oo garaydhka (GRADE A) ka saari karo Bayroolka Dawladda Golaha wasiiradda , xaaladani intaas oo qof oo shaqaale ah oo mar kaliya la eryaa ma meel kalaa shaqadda la qorayaa oon S/land ahayn ,ma in ay tahriibaan ayaa la rabaa, ma in ay kacdoon shacbi sameeyaan ayaa la Rabaa , Xukuumadu miyaanay ku wada socon arimahan noocan oo kale ah ,ee keeni kara sumcad Daro qaran ,haddii kuwan wax laga qaban waayo maxaa laga sugayaa kuwa jooga in lagu sameeyo ?,waxaa iman doonta in nin wal oo xafiis xukumaa uu inankiisa iyo inantiisa keeni doono , isagoo ka saari doona muwaadin , arintaasina waxay sababi doontaa in sidii Tunisia   ka dhacday ay ka dhici doonto Somaliland.

Mudane Madaxwayne shaqaale lagu Eryo sharci daro, qaar lagu keeno Eex iyo Qaraabo kiil , waa wixii Rogay Somaaliya , markaa ka taxadar qof shaqaale ah oo lagu eryo arimahaa aynu sheegnay eek or ku qoran ,Ogowna  qiimaha uu ku leeyahay Dalkeena qofka shaqaalaha ahi , waxaana haboon in Gudoomiyayaasha Maxkamaddaha hoose,gaar ahaan gudoomiyaha Maxkamadda Rafcanka Gobolka Hargeysa (C/rashiid Maxamed Maxamuud Duraan iyo  Ninka ay isku haybta yihiin  oo ah  Agaasimaha Guud ee wasaaradda Cadaalada iyo Gudoomiyaha Haayadda Shaqaalaha la Tuso Xaqa uu leeyahay Qofka shaaqalaha ahi,oo aanay si dhib yar u Eryi Karin , leeyahayna saddex marxaladood oo Digniin ah oo midwalba mid ka  kale ka culus tahay ,ma aha qofka shaqaalaha ahi Neef loo kala xukumayo laba qof oo isku haysta.

Guntii iyo Gabagabadii, u malayn maayo in ay gudiga shaqaalaha oo ka kooban 9 xubnood sida uu qorayo Xeerka shaqaalaha Dawladu ay la ogyihiin warqadaha noocan oo kale ah , ee ay ka muuqato Tanta  Gaarka  ah .

 Sidaa darteed waxaan ka codsanaynaa Madaxwayanaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  in uu Baadhis Madax banaan ku sameeyo Haayadda shaqaalaha oo  ka mid ah goobaha laga horkeeni karo Bulshadda Xukuumadda ,  Halkaas oo ah goob ay shaqaaluhu ka sugayaan Xaqsoor Cadaalad ku dhisan, Balse Ninka Maanta joogaa aanu ahayn Ninkii shaqaddaa qaban kari lahaa iyadoo Arinkiisuna noqday ( Gees lo’aad Kulaylka ayaa lagu jaraa) oo ka mid ah kalmadaha uu hal Hayska u leeyaha , Masuuliyiinta Qaarbaa ka dhigan sidan :-

Habar Tocdeediyo

dagalkay ku noolayd

Daruuruhu ku horeen

Dadba wada hel moodoo.

Daad Wararac bay tidhi,

Misna Taladda kuma Darin

In ay Duul Abaariyo

Meelo lagu dar leefiyo

Darxumooyin badan yihiin

Danyarta iyo shaqaaluhu

Daasad Garaw ah Goyn Karin.

Waase Dumare yeelkeed.

 

Qalinkii C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Guun)