Madaxwayne ku- xigeenka Somaliland oo xadhiga ka jaray Dhisme heer caalami ah oo laga Hirgelinayo Madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa

Hargeysa (SLpost) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay madaarka Caasimadda ee Egal International Airport.

Mashaariicda uu Madaxweyne ku-xigeenku xadhiga ka jaray ayaa u badnaa adeeg casri ah oo lagu kordhiyay qaybta ee Madaaarka Hargeysa oo laga hirgeliyay qaybo u shaqaynaya sida madaarada caalamku u shaqeeyaan, kuwaasoo ay ka mid yihiin kamaradaha qofka lagu eegayo xilliga uu marayo xaaladda laanta socdaalka iyo sawirro laga qaadayo farihiisa.

Sidoo kale mashaariicdan ayaa waxa ka mid ahaa dhamaan qalabka qofku sito oo la marinayo shaybaadh casri ah oo soo saaraya noocyada khatarta ah.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale, kormeer ku sameeyay dhismaha dhawaan laga bilaabo doono gegida (terminal-ka) madaarka oo qiyaastiisu dhan tahay ilaa 2 km iyo dheeraad, isla markaana qaybo ka mid ah ay fullinayso hay’ada UNDP.

Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada ayaa Madaxweyne ku-xigeenka uga warramay qaabka uu dhismuhu ku bilaabmayo iyo xilliga madaarku uu xidhmayo oo ay sheegeen inay ku beegan tahay laba todobaad ka dib.

Xadhiga jarista iyo kormeerka Madaxweyne ku-xigeenka waxa ku wehelinayay Wasiirrada Duulista, Hawalaha Guud, Guddoomiyaha Xisbul-xaakimka iyo masuuliyiin kale.

SLpost News/Hargeysa