Madaxtooyada Somaliya oo sheegtay in Ujeeddada Wada-hadallada u socda Somaliland ay yihiin Qaar labada Shacab laysugu soo dhawaynayo, kuna biyo-shuban doonaan Afti laga Qaado Dadweynaha (DAAWO)

Muqdisho (SLpost)- Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), ayaa shaaca ka qaaday in aakhirka wadahadallada u socda Somaliland iyo Soomaaliya ay ku dhammaan doonaan afti laga qaado dadweynaha oo aannu xal kale jirin.

Eng. Yariisow waxa uu sheegay in sii socoshada wadahadalku yahay sidii loo soo celin lahaa kalsooni, balse ay adag tahay in madaxda labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland midkoodna go’aan buuxa ku gaadho, “Ujeeddooyinka Shirarkan ka dhacaya Istanbul iyo Dibadaha, waa kalsoonidii uun ha soo noqoto, hadhow guddi yar oo kooban haddii la sameeyo iyagu isu tagaan, wixii ay ka wada-hadlaanna madaxtooda ula noqdaan, waa inuu jiraa imkaaniyaad ay wada-hadalladu ku soo soconayaan.