Madaxtooyada Somaliland oo wadda Qorshe Weji kale loogu eegayo Arrinta Urur-siyaasadeedyada Hadhay

Hargeysa(SLpost)- Madaxtooyada Somaliland ayaa la sheegay inay waddo qorshe dhinac kale looga eegayo Arrinta urur-siyaasadeedyada ku xidhay wejigii hore ee qiimaynta Diiwaangelinta ee Dacwaddoodu ka socoto Maxkamadda Sare.

Ilo-wareedyo u dhuun daloola qasriga madaxtooyada Somaliland, ayaa xaqiijiyey in madaxweyne Siilaanyo kulan xog-waraysi oo keli keliya ugu yeedhay qasrigiisa masuuliyiin ka tirsan garsoorka oo aan ka xusi karno xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Xasan Axmed Aden iyo gudoomiyaha maxkamada sare Yusuf Ismaaciil Cali.

Tibaaxuhu waxay intaas ku dareen in arrimaha uu Madaxweyne Siilaanyo kala hadlay masuuliyiintaas ku taxaluuqaan waxa laga yeelayo ururradii siyaasadda ee diiwaangelinta ku hadhay ee weli hadhi la’ ee dacwaddu dhan ka ah gudiga diiwaangelinta ururadu uga socdaan. Gudiga diiwaangelinta ururada iyo ansixinta axsaabta siyaasada Somaliland oo dacwadan ururadu ku socoto, ayaan iyagu ka soo hor muuqan maxkamadaha sare hase yeeshee uu difaacooda geed gaaban iyo geed dheerba u fuulay garyaqaanka Guud ee Dawladda Ibraahin Iidle Saleebaan.

Xogaha waxa ay tibaaxayaan in madaxweyne Siilaanyo faray labadaas masuul in dacwooyinka ururrada la reebay wadaan barbar kale loo rogo, ururradana mid mid loo wajaho oo mid walba gaarkii loola kulmo, oo mid walba lagu dirqiyo inuu si hoose ahaaneed u soo dalbado wixii kharaashaad ka fursan-waa ah ama muuqday ee kaga baxay ololihii madax-taabashada kunka qof.

Warku waxa uu intaas ku duray in madaxweyne Siilaanyo ka dalbaday masuuliyiintan garsoorka inay si degdeg ah uga baarandegaan sidii loo maareyn lahaa xujada ururada, haseyeeshee lama caddayn xaddiga kharaashaadka loo celinayo masuuliyiinta ururrada hadhay.

Dhinaca kale waxaa jira shan urur siyaasadeed kale oo ku hadhay diiwaan-gelinta oo qaarkoodna ururradii guddiga diiwaangelintu ansixiyeen ku biiray qaarkoodna weli ka dhur-sugayaan halka ay ku dambayso iyo natiijada ka soo baxda dacwadda afarta urur ee Jamhuuriga, NDB, Horyaal iyo UDHIS u gudbiyeen maxakamada sare.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net