Madaxtooyada Somaliland oo Markii u Horreysay Qaab-casri ah loo Dayactiray iyo Dhismeyaal lagu Kordhiyey (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa maanta xadhiga ka jaray dhismayaal cusub iyo kuwo dib u habayn balaadhan lagu sameeyey oo ku yaala qasriga madaxtooyada JSL,

Waxaana halkaasi madaxweynaha ku soo dhaweeyey wasiirka madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo madaxweynaha xog waran iyo faahfaahin ka siiyey dhismayaashan iyo waxa loogu talo galayba oo uu wasiirku sheegay in ay yihiin 8 xafiis, laba hool oo shirarka loogu talo galay iyo kulamada caalamiga ah kuwaas oo ah kuwo casri ah, 9 Qol oo hurdo ah oo loogu talo galay ciidamada ilaalada madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland kuwaas oo cusub iyo dib u qurxin balaadhan oo lagu sameeyey fooqa qasrigu ka kooban yahay oo laga dhigay mid AL-MUUNIYAAN lagu xidhay sida ka muuqata sawiradaba.

Ugu danbayn waxa uu wasiirku mahadnaq balaadhan u soo jeediyey cid kasta oo gacan ka geysatay dhismahan.

madaxtooyada (1)madaxtooyada (2)madaxtooyada (3)madaxtooyada (4)madaxtooyada (5)madaxtooyada (6)madaxtooyada (7)madaxtooyada (8)madaxtooyada (9)madaxtooyada (10)madaxtooyada (11)madaxtooyada (12)

 

Somalilandpost.net/Hargeysa