Madaxtooyada Somaliland oo faahfaahisay Ujeeddada safar Madaxweyne Biixi ugu baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar shaqo ugu ambo-baxay dalka isu-tagga Imaaaraadka Carabta oo ay marti-qaad rasmi ah ka heleen.

 

Madaxweyna oo saaka diyaarad Khaas ah oo Dowladda Imaaraadku u soo diray ka raacay Gegida diyaaradaha ee Egal International Aiport, waxa safarkiisa ku wehelinaya Wasiirrada Wasaaradaha Macdanta iyo Tamarta Jaamac Maxamuud Cigaal, Diinta iyo Awqaafta Khaliil Cabdilaahi Axmed, Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad oo isagu kaga sii horeeya weftiga imaaraadka.

Madaxweyne Biixi Imaaraadka UAE (2)

Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa warbaahinta uga xog-warramay ujeeddada uu salka ku hayo safarka ay madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayaa ugu ambo-baxeen dalka imaaraadka carabta.

 

“Waxa uu safarka madaxweynuhu salka ku hayaa xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya waddamada Imaaraadka carabta iyo Jamhuuriyadda Somaliland oo wadaaga xidhiidh siyaasadeed iyo mid ganacsi, islamarkaana ay ka dhexeeyaan hawlo horumarineed oo aad u waaweyni, waxaana uu dardargelin doonaa xidhiidhka labada dal.”

Madaxweyne Biixi Imaaraadka UAE (1)

Safarka madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo weftiga uu hoggaaminayaa ugu ambo-baxeen dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa ah kii labaad ee uu dalkaas ku tago tan iyo intii uu hoggaanka dalka qabtay.

Madaxweyne Biixi Imaaraadka UAE (4) Madaxweyne Biixi Imaaraadka UAE (3)