Madaxtooyada oo Ka hadashay Xidhiidhka ka Dhexeeya Heshiiska Dhaxal-wareejinta Dekedda Berbera iyo Ganacsade Ina Boorre

xaashiHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka hadlay heshiiska maal-geshiga Dekedda Berbera ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo dalka Imaaraadka kula soo gashay Shirkadda DPWorld oo fadhigeedu yahay magaalada Dubai ee dalka UAE, heshiiskaas oo lala xidhiidhiyey in ganacsadaha reer Jabuuti ee Ina Boore xidhiidh la leeyahay.

Wasiir Xaashi waxa kale oo uu ka hadashay muhiimadda uu leeyahay heshiiska xukuumaddiisu la gashay shirkadda DPWORLD oo sida uu sheegay Nus Bilyan Dollar ku bixinayso maalgeshiga Dekedda Berbera.

HALKAN HOOSE KA DAAWO