Madaxtooyada oo ka hadashay Isku-shaandheyn la sheegay inuu Madaxweynuhu ku samaynayo Golihiisa Xukuumadda

Hargeysa (SLpost)- Madaxtooyada Somaliland, ayaa ka hadashay warar la xidhiidha Isku-shaandheyn madaxweynuhu ku samaynayo golihiisa xukuumadda oo muddooyinkii u dambeeyey hadal-haynteedu ku badatay bulshada dhexdeeda.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa sheegay inaanay wakhtigan jirin wax-ka-beddel uu madaxweynuhu ku samaynayo Golihiisa Wasiirada, iyada oo hadalka Afhayeenku daba-socdo warar mudooyinkan la hadalhayey oo arrintan ku saabsan.

dhuxul“Anigoo ku hadlaya Afka Madaxweynaha Somaliland waxaan caddaynayaa inaanay wakhtigan jirin cid la Eryayo, cid la bedelayo iyo wax isku shaandhayn ah oo Golaha wasiirada lagu samaynayo,” ayuu yidhi Mr Dhuxul oo maanta warbaahinta kula hadlay aqalka madaxtooyada.

Afhayeenkam oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku dadaray oo yidhi, “Kooxdan Imika Madaxweynaha la shaqeeya ee uu Xushay waa Koox isku filan, waa koox Madaxweynaha garab ku siinaya Hawlaha uu qaranka u hayo, waa koox Kartidooda iyo aqoontooduba hufan tahay, hawsha qarankana baylah tirkeeda aan looga baqayn. Sidaasi darteedna wax isku shaandhayn ah, wax bedel ah iyo wax Eri ah oo haatan madaxweynaha Somaliland samaynayaa ma jiro, isagoo kolayba mar walba xaq u leh inuu eryi karo, inuu magacaabi karo iyo inuu dalacsiin karoba, haddana wakhtigan arintaasi soo noqnoqtay ma jirto.”

Hadalka ka soo yeedhay Afhayeenka madaxtooyada, ayaa noqonaysa markii u horeysay ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo muddadii ay talada dalka haysay kaga hadasho ama ku beeniso warar la xidhiidha Isku-shaan-dheyn madaxweynuhu ku samaynayo golihiisa wasiirrada.

SOMALILANDPOST.NET