Madaxdhaqameedka iy Waxgaradka SACAD MUUSE oo Taageeray Go’aankii Guddiga Horumarinta Beeshu Murashaxa ugu Dooratay Muuse Biixi

Hargeysa (SLpost)- Aqlabiyadda salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka Sacad Muuse, ayaa si mug leh oo u taageeray go’aankii guddiga horumarinta beeshaasi ee shirkii Hoodaale ku kala reebeen siyaasiyiinta shaaciyey inay murrashaxiin ka yihiin xisbiga KULMIYE kadib Madaxweyne Siilaanyo, iyagoo ku doortay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo ay ka reebeen Wasiirrada Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis.

IMG_1772Munaasibad ballaadhan oo ahayd qado taageero iyo mahadnaq loogu jeedinayey guddiga Horumarinta beesha oo uu sameeyey Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Sul. Cabdillaahi Sul. Cabdiraxmaan oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta, kana qaybgaleen dad lagu qiyaasay kun iyo shan boqol oo oo isugu jiray salaadiin, cuqaal iyo waxgarad kala matalayey beesha, ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey, laguna taageeray go’aankaasi siyaasiga murrashaxa u ah loogu doortay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, isla markaana beeshu si buuxda u garab-taagan tahay hankiisa murrashaxnimo.

Dr. Maxamed Aw Daahir oo u hadlayey Guddiga Horumarinta beesha Sacad Muuse ee lagu doortay shirkii Hoodaale, ayaa madaxdhaqameedka iyo waxgaradka beesha ee xafladda fadhiyey uga warramay hawlihii guddigooda iyo heerarkii ay la soo mareen kala saarinta saddexda siyaasi ee beesha oo uu sheegay inay ahayd arrin guddigu waday tan iyo maalintii uu dhammaaday shirweynihii lagu doortay, isla markaana ay mid walba si gaar ah ula kulmeen si ay wax uga ogaadaan doodahooda. Waxa kale oo uu soo bandhigay natiijada codayntii guddigu u qaaday saddexda siyaasi oo uu xusay inay 14 xubnood oo ah aqlabiyadda guddigu doorteen Muuse Biixi Cabdi inuu noqdo murrashaxa beeshu wadato ee xisbiga KULMIYE.

IMG_1782Suldaan Xiis Barre oo ka mid ah salaadiinta Sacad Muuse oo xafladda ka hadlay, ayaa sheegay in tallaabada guddiga horumarintu ku kala saartay siyaasiyiintu ka mid tahay hawlihii danaha reerka ee loo igmaday inay wax ka qabtaan, waxaannu yidhi, “Guddiga Horumarinta Sacad Muuse waxa doortay 750 qof oo ka kooban salaadiinta, cuqaasha, waxgaradka iyo aqoonyahanka beesha oo isugu tagay shirweynihii Hoodaale, waxa 25-kaa nin loo igmaday danta beesha oo loo wada saxeexay, maalintaasi ayaa loo igmaday xilkay hayaan oo loo wada dhiibay, maanta ninnka diiddan ee leh maanu dirin waa kuma? Ninka canjilaya ee wax kale sheegow guddigani maxay u talinayaan Somaliland oo dhan, Ingiriis iyo Ruush? Mise taynu u diranay oo ah danta Sacad Muuse ayey wadaan, waa danta beesha Sacad Muuse waxay wadaan oo ay xadkeedii ku jiraan ee kamay bixin, waanay ku ammaanan yihiin oo go’aankooda waanu qaadanay.”

Ugaas Cabdillaahi Cabdi Xasan (Xawaareeye), ayaa isna caddeeyey in golaha salaadiinta ee beesha Sacad Muuse ka hor go’aankan ay iyagu awoodda siiyeen guddiga horumarinta, kuna heshiiyeen in wax kasta oo ay soo saaraan ay ansixiyaan, “Guddiga Horumarinta ee shirweynihii Hoodaale maalintii loo dirayey inay galaan arrintan lafteeda (kala saarista siyaasiyiinta) may jirin cid diiday, annaga oo salaadiinta ah way noo yimaadeen oo waxay nagu yidhaahdeen madaxdii u sarraysay baad tihiin ee mana ogolaateen arrintan in aannu galno? Haa baanu ku nidhi oo awood baanu siinay, maalintaasi suldaan keliya ayaa naga maqnaa, waxaannu is-waydiinay intii aynu noqon lahayn koox labaad oo waxay nimankaasi soo gooyaan ka horyimaada maxaynu yeelnaa? Waxaannu isla qaadanay in waxay soo gooyaan waxay doonto ha noqoto, cid kastaa ha jeclaato am acid kastaa ha necbaatee in aannu u ansixinno, waanuna ansixinay,” ayuu yidhi Ugaas Xawaareeye.

IMG_1801Sidoo kale, Ugaas Ibraahin Axmed Kaahin oo xafladda ka hadlay, ayaa ugu baaqay xubno kooban oo ka mid ah guddiga Horumarinta iyo salaadiinta beesha inay aqlabiyadda reerka soo raacaan, isagoo tilmaamay in shaqada ay qabteen guddigu tahay mid habboon, waxaannu yidhi, “Arrintan wax ka soo noqon doonaa ma jiro hadday noqoto xag dawladeed iyo xag reerba, guddidu hawsheedii way qabsatay, waanay dhammaysteen oo wax loo noqdaa ma jiro, codkii Muuse Biixi loogu codeeyey ayuu ku helay, mana noqon doonto in dib loo soo celiyo, golaha salaadiinta Sacad Muuse-na way ansixiyeen ee ragga ka dabahadlaya waxaan leeyahay dib-isugu noqda.”

Caaqil Muxumed Cabdi Jabane oo ka mid ah madaxdhaqameedka fara badanaa ee xafladda joogay, ayaa ku bogaadiyey guddiga horumarinta iyo salaadiinta beesha soo saarista go’aanka ay ku kala reebeen siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE iyo ansixintiisba.

“Waxay ila tahay ragganimadu waxa weeye ninka codka laga helo ee hanneeya, nimanka guddidii ka dabahadlay ee yidhi caddaalad may ahayn iyana waxaan leeyahay hoggaamiyaal diimeed ayaa idinku jira ee isku fiirsada, tageeraduna waa mid keliya oo waa Muuse Biixi Cabdi. Nimanka kale ee codku ka hiiliyeyna waxaan leeyahay ninka codka helay waa walaalkiin meel kale kamuu iman ee codka u hanneeya,” ayuu yidhi Caaqil Muxumed Cabdi Jabane.

IMG_1774Sidoo kale, Caaqil Cabdi Daahir (Cabdi-madoobe), ayaa isna ugu baaqay Madaxweyne Siilaanyo inuu ku xisaabtamo taageerada Muuse Biixi ee beeshiisa oo aannu cid kale tartan la gelin, waxaannu yidhi, “Madaxwayne Siilaanyo waxaannu leenahay hadday beesha Sacad Muuse soo dooratay mujaahid Muuse Biixi Cabdi ee cid lama simi kartid, waanu kaaga fadhinaa Madaxwayne. Guddida beesha Sacad Muuse go’aanka ay qaadatay waa mid muhiim ah cid ay u codeeyeen ayuun baa noo murrashax ah. Wasiirrada codka laga helayna waxaan leeyahay haddii sidaas doorasho laydiinka helana buuq ayaad samayn lahaydeen ee codka iska hanneeya ayaan odhan lahaa Samaale iyo Maxamed Biixi.”

Waxa kaloo iyaguna madasha ka hadlay Cheef Caaqil Dayib Cabdi Ciidle Ammaan, Caaqil Axmed-raan iyo cuqaal kale, kuwaas oo dhammaantood tageero buuxda u muujiyey go’aanka murrashaxnimada tartanka xisbiga KULMIYE loogu doortay Muuse Biixi Cabdi, iyagoo hambalyo iyo bogaadina u diray guddiga Horumarinta iyo salaadiinta Sacad Muuse sida geesinimada leh ee ay uga hawlgaleen arrintaasi.

Ugu dambayntii, Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo khudbad ku soo xidhay xafladdaasi, ayaa caddeeyey inay tageersan yihiin go’aanka ay guddiga horumuarinta beeshiisu ku kala reebeen saddexda siyaasi ee kala ah Guddomiyaha xisbiga KULMIYE iyo wasiirrada Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda, uguna doorteen Muuse Biixi inuu noqdo murrashaxa keliya ee beesha u matala tartanka jagada Madaxweynenimo ee xisbiga kadib Madaxweyne Siilaanyo, kaas oo uu ku tilmaamay go’aan taariikhi ah oo buugga beesha meel kaga qormi doona, isagoo sheegay in ay ergo kaga dabatagayaan saddex suldaan oo ka baxay fadhigii golaha salaadiintu ku ansixinayeen go’aanka guddiga horumarinta.

“Go’aankaasi markay 23-kii xubnood ee Guddiga Horumarinta 14 ka mid ahi qaateen aqlabiyad wuu dhaafay, xagga salaadiintana 18 xubnood oo aan hoggaaminayey markay 15 xubnood ansixinyeen saddex ka baxay shirka mooyee aqlabiyad wuu dhaafay, sidaasi ayaanu ku meelmaray oo lagu qaatay, waanan uga mahadnaqayaa guddiga iyo golaha dhaqankaba. Go’aankani waa mid wayn oo taariikhi ah, in badan baa beesha tawqiifda loogu ducaynayey ee uma baahan in laga carsha-carsheeyo. Isbarbar-yaac dambe oo beeshan ka dhex dhaca halkaasaynu ugu quus-goynay oo sees adag ugu dhignay.”

“Waxa kaloo aan u mahadnaqayaa Wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale oo afartaa caano-maal eek a dambeeyey go’aankan aynaan ka maqal wax hadal ah, waxaan filayaa inuu u bislaaday siyaasadda oo uu xogogaal u yahay in marka beeshaadu ku qabato, isagoo u soo joogay siyaasiin badan oo dalka ah oo markay eherlkooda iyo xigtadoodu qabtay addeecay, maanta mar haddaynaan waxba ka maqal waa inankeenii oo siyaasi ah oo sharaf wayn inaga mudan,” ayuu yidhi Suldaan Xasan Sul. Cabdillaahi Sul. Cabdillaahi, waxaannu intaa raaciyey, “Ragga maanta la hakiyey waa madaxdeennii oo ma kala jeclin oo waa isugu keen mid, kayd bay inoo yihiin maanta wixii ka dambeeya, waanaynu u aqoonsannahay inay hankaa leeyihiin.”