Madaxda Sare ee Xisbiga Waddani Oo Kulan La Yeeshay Ku-simaha Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa(SLpost)- Madaxda sare ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweyne xigeenka Somaliland, ahna kusimaha madaxweynaha Cabdiraxmaan Saylici, waxaana kulankaasi daarnaa arrimaha ka taagan gobolka Awdal.

 

Guddoomiye xigeenka xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed, xoghayaha guud Maxamed Cabdillaahi Uurcadde iyo saraakiil kale oo hogaanka Waddani ah ayaa madaxweyne xigeenka kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda gobolka Awdal, iyagoo sheegay inay wixii ay talo hayeenna u gudbiyeen.

 

“Markaanu aragnay xaaladda dalku marayo iyo dhibaatada dhacaysa, dhiiga qubanaya ee maalinkasta ka dhacay gobolka Awdal, ayaanu xisbi ahaan saaka ku tashanay inaanu la kulanno kusimaha madaxweynaha, ahna madaxweyne xigeenka Somaliland, aanu ugala hadalno xaaladda dalku marayo. Wixii talo aanu haynay waanu siinay, wuxuuna madaxweyne xigeenku noo sheegay inay qaadayaan talaabo degdeg ah oo ay arrinta Awdal kaga gun gaadhaan, intaas ayaanu kala kulanay Madaxweyne xigeenka,” ayuu yidhi Axmed Muumin Seed oo kulanka kadib saxaafadda la hadlay.

 

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Mr Uurcadde, ayaa isna sheegay inay madaxweyne xigeenka kala hadleen arrimaha gobolka Awdal iyo Saaxil, islamarkaana ay talooyin ku aadan u gudbiyeen. Waxa uu sheegay in madaxweyne xigeenku u balan qaaday wax ka qabashada cabashooyinka jira, waxaanu tacsi u diray ehelada dhalinyarada ku dhimatay Boorama “Xukumadda waxaanu leenahay ciidanka caruurta sida badheedhka ah u tooganaya ha joojiyaan, inay si degdeg ah wax uga qabtaana waanu rajaynaynaa,” ayuu yidhi Xoghaye Uurcadde.

 

Gobolka Awdal ayaa rabshado ka dhashay ciyaaraha gobolada waxaa ku naf waayay laba dhalinyaro ah oo rasaas boolisku dadka ku  kala kaxaynayay haleeshay. Ehelada mid ka mid ah dhalinyarada geeriyootay ayaa gubay guriga taliyaha qaybta booliska Awdal, waxaana la dareemayaa kacsanaan ka jirta Awdal kadib markii xamaasadda ciyaaraha iyo xadhiga dad tira badan oo loo xidhay weerarkii badhasaab Ramaax isku raaceen.