Madaxda Qaranka oo Shacbiga Goobo Kala Duwan Salaaddii Ciidda Kula Tukaday

????????????????????????????????????

Hargaya(SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta salaadda Ciidal Adxa awgeed la ciiday shacbiweynaha reer Somaliland, isaga oo kula tukaday Masjid Jaamaca weyn ee Caasimadda Hargeysa. Madaxweynaha waxa ku wehelinayey madax kale oo ay ka mid yihiin shaqaalaha madaxtooyada iyo hogaanka xisbiga Kulmiye.

Khudbad hambalyo uu shacabka u dirayey iyo duco iskugu jirta ayuu madaxweynuhu ka jeediyay masaajidka markii salaadda laga baxay.

Intaa kadibna waxa uu madaxweynuhu shacbiga ku qaabiley qasriga madaxtooyada oo ay bulshada qaybeheeda kala duwan safaf dhaadheer u qaleen gacan qaadka madaxweynahooda qaranka isaga oo uu madaxweynuhuna kusoo dhawaynayey waji furnaan iyo “Ciid Mubaarak”.

 

Geesta kale Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo ay weheliyaan xubno golaha wasiirada ah ayaa shacbi tiro badan kula tukaday garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium. Wasiirka duulista hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Cabdi Awdaahir, wasiirka waxbarashada Faarax Cilmi Geedoole iyo wasiirka beeraha ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta shacabka kula tukaday Hargeysa Stadium.

 

Madaxweyne xigeenka Somaliland oo hadal kooban u jeediyay bulshada Salaadda Ciidal Adxa u yimid garoonka ayaa ku dardaaray ilaalinta ammaanka oo uu sheegay inay ka mid tahay nimcooyinka Illaahay ku galladay bulshada Somaliland ee gayiga Soomaalida iyo guud ahaan geeska Africa ay kaga tilmaaman yihiin.

Waxa uu hambalyo iyo duco u diray shacbiga Somaliland ee gudo iyo dibadba jooga iyo shucuubta islaamka ah isagoo u rajeeyay mustaqbal fiican iyo horumar.

 

Dhammaan madaxda kala duwan ee saddexda gole, saddexda Xisbi iyo madaxda gobolada ayaa iyaguna meelo kala duwan kula tukaday shacabka.