Madaxda Dhaqanka Gobolka Awdal Iyo Xukuumadda Oo Uu Isa Seeg Siyaasadeed U Bilaabmay

 

Hargeysa  (SL.Post) Madaxdhaqameedka reer Awdal iyo xukuumadda Somaliland ayaa u muuqda inay u bilaabmayaan maalmo cusub oo isa seeg siyaasadeed ah, ka dib markii ay madaxda dhaqanka gobalkaasi ku dhawaaqeen shir Borama ku qabsoomaya 28-ka bishan.

 

thumbs

 

 

Shirkaas ayay madaxda dhaqanku ku sheegeen inuu yahay mid wada tashi, waxaanay xildhibaanada guurtida iyo wakiilada ugu jira gobalkaas ugu baaqeen inay shirkaas wada tashiga ah ka qayb galaan.

 

 

Madaxda dhaqanku waxay xildhibaanada ku adkeeyeen inaanay shirkaas ka maqnaan, iyagoo ka gaabsaday inay cadeeyaan ajandaha shirkaas, balse ay ku soo koobeen arrimo muhiim ah oo dadka iyo dalka khuseeya.

 

 

Dadka qaar ayaa shirka ku tilmaamaya mid ay odayaashu doonayaan inay ku soo bandhigaan mawduuca saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada, halka ay dad kalena qabaan in shirka sidoo kale lagu soo bandhigi doono tabashooyin la xidhiidha saami qaybsiga xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo kaalinta reer Awdal.

 

 

Jawaabta Xukuumadda.

 

 

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag shirkaas uga hortimid. Madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici ayaa shacabka Somaliland ka raaligeliyay dhawaaqaas ka soo yeeshay madaxda dhaqanka gobalka Awdal, waxaanu yidhi “Waxaan ka yara xumahay ama aan dareen la qaatay ka raalli-gelinayaa ummadda reer Somaliland Odayaasha reer Awdal ee hadlay inaan loo arkin inay ka xun yihiin Walaalohooda soo biiray ee reer Sool ee dalka iyo dadka ku soo biiray ee Qarannimada Somaliland soo dhammaystiray.”

 

Mudane Saylici wuxuu intaas raaciyay  “Waxa laga yaabaa halmaan hadal kuma jiree inay wax isku yar beegmeen, waxaana qurux badnayn oo innagu badan halkaan Xisbiyo iyo nidaam iyo intii isku afkaar ah tartankeennu ahaan lahaa, aynu u badannay Reer Hebel, Reer Hebel annana waa shiraynaa, oo Faankeenniba noqday Qabyaalad buu noqday, taasna uma baahnin ee inaan horumar, nabad iyo asxaab ku tartanno ayaynu u baahannahay.”

 

 

Gunaanad

 

Lama oga in madaxdhaqameedka Awdal ay u suurtogeli doonto inuu shirkaasi qabsoomo iyo in xildhibaanada ay baaqa u direen ay ka geli doonaan.

 

Hase yeeshee haddii uu shirkaasi qabsoomo iyo haddii kaleba, waxa muuqata in isfaham waa’ siyaasadeed oo muddo huursanaa uu u bilaabmayo madaxda dhaqanka Awdal iyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

 

 

Somalilandpost.Hargeysa