Madaxda Cusub Ee Libya Oo Miciin-biday Ruushka Iyo Ujeedada Sodaal Ay Ku Joogaan Moscow

Moscow, (SLP)- Madaxda loo doortay dalka qalalaasuhu hadheeyay ee Libya ayaa taageero waydiistay dalka Ruushka si ay gargaar militeri uga helaan, iyadoo dawladdaha reer galbeedku ay wadaan in xal siyaasadeed loo helo dagaalka dalka ka jira.Libya

Ra’iisul wasaaraha Libya, Abdullah Al-taani, iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada ayaa socdaal ku jooga Moscow, waxaana lagu soo waramayaa inay raadinayaan heshiis iskaashi oo militeri iyo farsamo ah.

Al-taani ayaa dhaliilay dawladdaha reer galbeedka isagoo ku eedeeyay inay ka tageen Libya, waxaanu ku tilmaamay Ruushka iyo Shiinaha inay fure u yihiin kaalmada dagaalka ay argagixisada kula jiraan.

Saraakiisha Ruushka waxay sheegeen inay hub siin karaan Libya marka cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay laga qaado.

Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xalka dagaalka Libya ka socdo aanu ku jirin militeri, isla markaana ay isku dayayaan inay kooxaha iska horjeeda heshiis ku geliso dhisidda dawlad loo dhan yahay.

Wareeg cusub oo wadahadalo ah ayaa todobaadkan lagu qabanaya Marooko.

 

Wararka Caalamka

Somalilandpost.net