Madaxa Xidhiidhay Dadweynaha iyo Saxaafadda ee DAHABSHIIL oo ehelladii, qaraabadii iyo Bahda Saxaafadda ka tacsiyeeyey Geerida Xoghayihii SOLJA

tacsiMadaxa Waaxdda Xidhiidhka Dadweynaha & Saxaafadda ee ​Shirkadda Dahabshiil Hassan Mohamed Jama (Heiss), Isaga oo ku Hadalaya afka maamulka guud, dhammaan saraakiisha, hawlwadeennada iyo partners’ka Shirkaddaha Dahabshiil Group, isaga oo aad uga tiraanyaysan, waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo dhowaan ku geeriyooday shil baabuur. Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaan sugan oo saadiq ahna ha ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa, asxaabtiisii, bahda saxaafadda iyo dhammaan ummaddii uu ka baxayba; marxuumkana Jannadii Fardowsa Eebbe ha ku abaalmariyo. Aamiin…….Aamiin……………Aamiin.