Madax-dhaqameed ka hadlay Isku-day dil oo lagu fuliyey Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa

Hargeysa (SLpost)-Qaar ka mid ah Madax-dhaqameed gobolka Hargeysa ayaa ka hadlay dhacdadii shalay laysku dayay in lagu khaarajiyo Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Cabdirashiid Maxamed Durraan oo shalay subax niman hubaysani ku dhaawaceen isaga oo Salaadda Subax ka soo baxay.

Suldaan Axmed Cismaan (Cadde-gudde) iyo cuqaal ka tirsan gobolka Maroodi-jeex ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Hudheelka Hadhwanaag ee magaaladda Hargeysa si adag u cambaareeyay falkii lagu toogtay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Cabdirashiid Durraan.

Suldaan Axmed Cismaan(Cada Gude) oo shirkan jaraa’ id ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaan canbaaraynaa falkii foosha xumaa ee lagula kacay gudoomiyaha maxkamada gobolka Maroodi Jeex, umada somaliland waxaan leenahay meel aynu ka soo gudubnay yaan laynagu celin, maslaxada umaduna kuma jirto waxa maanta dhacay oo kale balse waxay ku jirtaa nabad galyada iyo dawladnimada.”

Suldaanka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi, “Wixii aynu shalay dhisanay hadii maanta la doonayo in la baabiiyo oo gacanta laga hadlo waxaynu noqonaynaa dad wax badani ka xumaadaan, waxaanan leeyahay xukuumada waa in si degdega loo hor keeno sharciga cidii ka danbaysay falka lagula kacay gudoomiyaha maxkamada gobolka maroodi jeex, shacabkana waxaan u soo jeedinayaa inay nabad gelyada ilaaliyaan.”

Sidoo kale, waxa shirkaasi ka hadlay Chief Caaqil Rashiid Maxamed Jaanbiir oo falkaas ku tilmaamay mid nasiib darro ah oo ammaanka dalka wax u dhimaya, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Nabad gelyadu waa shay aad u qaaliya waana laf dhabarta ay dalka somaliland iyo dadkiisuba ku nabad iyo caanaba maaleen.”

“Waa markii koowaad ee ay Hargeysa ka dhacdo in masuul ka tirsan masuuliyiinta qaranka lagula kaco fal xun, anagu waxaanu muujinaynaa inaanu si aad ah uga xun nahay falka lagula kacay gudoomiyaha maxkamada gobolka, falkaana waanu canbaaraynaynaa cid kasta oo ka danbaysayna waxaanu leenahay falkaasi ma aha mid laydin kaga hadhayo,”ayuu yidhi Chief Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir.

Sidoo kale waxa iyaguna si adag u cambaareeyay falkaasi kuna baaqay in sharciga la horkeedo dadkii fuliyay iyo kuwii ka dambeeyayba. Chief Caaqil Cabdiraxmaan Xasan Xoore, Caaqil Cali Faarax Yuusuf, Caaqil Maxamed Xaashi,Caaqil Jaamac Cabdi Axmed iyo Caaqil Aadan Caabi Fidhin.

SLpost News/Hargeysa