Madax-bannaanida Somaliland iyo Baadi-doonka Cusub ee Soomaalinimada

Aragtida iyo fikirka ah “Pan Somalism” waxa uu ku dhashay dhulka Somaliland oo uu ka hana-qaaday; waa dhaxal iyo hanti ay leeyihiin dadka reer Somaliland oo laga dhacay laguna dhibaateeyo wakhtigan.

1960-kii dadka reer Somaliland waxa ay u jihaysteen ka-dhabaynta aragtidoodaas iyagoo huray dawladii curdinka ahyd. 30 sanno ka dib dadka reer Somaliland waxa ay  mar labaad hureen naf iyo maal iyagoo dib u qeexaya fahanka iyo macnaha “Pan Somalism”. Rog-rog badan kaddib, waxaa la isla qaatay in madaxbanaanida Somaliland tahay seeska cusub ee lagu baadi dooni karo aragtida “Somali Wayn”.

Somaliland waxa ay sidaa ku noqotay qaabka cusub ee Somali isugu iman karto, balse Somaliland cid kuma bogaadin tallaabadaas, waxaa lagu qaaday dacaayad ah in dadka reer Somaliland yihiin midnimo diid, waxaana loogu heshiiyay sidii meel kasta looga cuna-qabatyn lahaa xaqa ay leeyihiinana loo duudsiin lahaa.

Somaliland isma ay dhiibin, Soomaali rejada iyo iftiinka ay eegato ayay noqotay ee tusaalaha u ah, horumarkasta oo Soomaalida kale ku tallaabsatana waa waxa uu noqday mid Somaliland  jeexday. Tusaale hadaan soo qaato, go’aankii ay Jabuuti ku qaadaty in ay dawlad noqoto waa mid ku qotomay  waaya-aragnimadii dhibkii reer Somaliland soo gaadhay. Sidoo kale, Soomaaliya  waxa ay qaadatay  nidaamka federalismka iyadoo ka dheehatay nabadda iyo xasiloonida dadka reer Somaliland gudahooda  ka gaadheen.

Somaliland laguma baqo galin karo aragti ay dhaxalkeeda leedahay mana yeelayso in cid kale ka sheegato una isticmaasho in lagu dhibaateeyo dadkeeda.

Reer Somaliland ha ogaadan dhaxalkooda iyo halganka muqaddaska ah ee ay ku jiraan, ha gaadhsiiyaan Soomaalida kale in madaxbanaanida Somaliland tahay sida qudha ee lagu heli karo fikirka muqadaska ah ee Soomaalinimada (Pan-Somalism).

W/Q : Abdirahman Mustafe Ali