Madasha Wadatashiga oo Si Adag Uga Hadashay Wareejinta Haamaha Shidaalka

 

Hargeysa (SLpost)-Madasha wada-tashiga Somaliland ayaa si adag uga hadlay khilaafkii dhawaan ka dhex qarxay Xukuumadda iyo Wakiilada, ee salka ku hayey wareejinta Haamaha  iyo  gacan ka hadalkii dhexmaray Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada.

Guddoomiyaha Madasha Xasan Guure Jaamac, Eng: Maxamed Xaashi Cilmi, Prof: Cabdisalaan Yaasiin  oo Shalay Shir jaraa’iid ku qabtay Mansoor Hotel ayaa ugu horeyn Xasan Guure Jaamac oo halkaas ka hadlay waxa uu dhaliilo culus u soo jeediyey Xukuumadda, waxaanu xusay inay caado ka dhigatay hanta boob, waxaanu ku dhiiriyey Shacabka in qof walba deegaankiisa ka ilaashado Xukuumaddu si aanay hantidooda u boobin, waxaanu yidhi “Xaalada guud ee dalka marka aynu eegno waxa tilmaam inoogu filan Golaha Wakiilada wixii maalmahan dhawayto ka dhacaayey, waxaynu arkaynay Golihii Wakiilada oo Guddoomiyihii fadhiyo, in Guddoomiye ku xigeenkii ku qabsaday, waxa ka darnayd meesha dhexdeedii ayuu qaybiyo, waa Barlamaanku waa kuwa halkaas fadhiyoo Xisbi maaha,waa Golihii Wakiilada, oo umadda oo dhan ayey wakiil ka yihiin, hiil maaha, Mucaarad iyo Muxaafidka iyo Xisbi midna inay u hiiliyaan maaha, qof walba caqligiisa iyo waxa ay umaddu u soo diratay inuu ka jawaabo weeye, Guddoomiye ku xigeenku waxa uu yidhi wixii Kulmiye ahaaw aniga ayaa idiin Guddoomiye ah, inta kale yaa Guddoomiye u ah, taasi waxa ay ku tusaysaa in halkii inoogu sareeysay ee taladdu taalay ay caynkaas tahay, ta ka saaraysaana aynu ognahay caynka ay tahay xaalada dalkeenu halkaas ayey maraysaa”. Mujaahid Xasan Guure ayaa mar uu fariin u diraayey Shacabka waxa uu yidhi “Markaas fariinta aan  gudbinayaa waxa weeye Xukuumad lala hadlaa ma jirto, dadkana dhibaato taala oo aanay ogeyn oo aan u sheegaya ma jirto, ee ta kaliya ee aan odhanayaa waxa weeye Umad yahay cid aad ku halaysaan ma jirto wixii aad lahaydeen, inta aynu isku soo gaadhayno ee aynu xeer u sameeysanayno waxa aynu leenahay sida aynu u qaybsanayno ama aynu u wadaagayno waxa aynu maqlaynay Sibidh baa la bixiyey, shantaas sannaba Warshad Sibidha ayaa la hadal hayey dalkeena gabigiisuba waa wada Sibidh, walibana nooc ugu wanaagsan Adduunka weeye, qolada Sibidhka ka shaqaysa ayaa ka sheekaynaysay waxayna yidhaahdeen Adduunka laba Wadan ayeynu iskaga mid nahay, inta kale inaga ayaa ka sareeyna imikana waa tan oo Itoobiya yaa la inooga keenaa, waa waxa ay ahayd inaynu marka hore la soo baxno, wixii ayaan si cadaalad ah loo qaybinayn, wixii baa si dadku u siman yahay loo qaybinayn, oo hoosta la iskaga dhiibayaa, taasina waxa ay keentay in la is qabsaday, marka inta aynu helayno Xukuumad ina kala saarta, oo qof walba waxa uu leeyahay iyo waxa aanu la hayn u xadaysa keena u yar ilaa ka u  weyn, Madaxweynaha ilaa ilmaha ugu yar, xeer inoo xadeeya inta aynu sameeysanayno nin walba halkaad fadhido ilaali oo masuuliyadeedu adiga ayey ku saaran tahay, reer Berbera iyaga ayey saaran tahay, reer Caynaba iyaga ayey saaran tahay, waxaana imika la igu yidhi Gacan Libaax baa loo socdaa waxaana lagu yidhi saaka ayaa loo baxay, oo la igu yidhi iyada qudheeda ayaa la soo qaybinayaa, waxa Gacan Libaax yaala garan maayo”. Eng: Maxamed Xaashi Cilmi oo halkaas ka hadlay ayaa isna dhankiisa  dhaliilo culus u soo jeediyey Xukuumadda, waxa uu ka hadlay Haamaha Shidaalka, qaabkii Total loogu wareejiyey, waxaanu tilmaamay in Total lafteeda si sharci daro ah loogu wareejiyey, waxaanu sidoo kale Xukuumadda ku dhaliilay qaabka ay doonayso inay ku bixiso, waxaanu yidhi  “Waxa aynu ka hadlaynaa waa hantidii Umadda, haddii aan u soo noqdo arintan hadalku ka kacay ee Barlamaanku isku laayey waa Haamihii Shidaalka, taariikh yar haddii aan ka bixiyo Haamaha Shidaalka markoodii hore ee Total la siinayey Sharci laguma bixin Madaxweynaha oo tagay France ayaa makhsinkiisi kula kulmay qolada Total, dabadeedna sidaas ayuu ku bixiyey, waxa lagu wareejiyey oo nimankan lagu siiyey iyo waxa lagala wareegay midna muu jirin, sida ay sidii u ahayd oo ay Total u haysatay, oo lacagtii nagaga baxday ayaanu dhamaynaynaa ee arintu sidaas u socotay, waa tii Total iska guurtay, kolkii ay iska guurtayna nin ayey ka sii tagtay, meeshana Ninkii baa sii waday.  Wasaaradda Ganacsiga ayaa marka gabtay hawsheedii inay ka tirsato Guddi loo sameeyey ayaana jirtay markaas oo aan aniguna ka mid ahaa, laakiin Guddida la iskuma yeedhi jirin, inta la doonayo ayaa loo yeedhi jiray, waana arimaha khaldaadka ah ee meesha ka dhacay, markaas Haamihii Total wey baabisay, aan ka soo bilaabee halka lagaga shubo Shidaalka ee Maraakiibtu isa soo taagto ee kaga shubto, markii hore shan dhuumood ayey ahaan jireen, bahalku dushuu mari jiray, marka uu dalooshamo waa la arki jiray waa la laxaamadi jiray, Shantii dhuumood wey gooyeen oo mid bay ka reebeen, midaasi waa tii Warshada Sibidhka geyn jirtay iyo tii Diyaarada iyo tii Baatroolka iyo Naafatadii kala nooca ah, wixii oo dhan Dhuun qudha baa lagu soo reebay, Diyaaraduhu kama qaataan halkaas, tii Sibidhka waa la gooyey, dhuun qudha ayaa ku soo hadhay, dhuuntii badda ayey dhigeen, oo badda ayey taala, dad Soomaali ah oo halkaas wax ku laxaamadi karaa ma jiraan iyo qalabkoodiina ma jiraan, kolkaas Haamihi wey dayacan yihiin, wey baabayaan, imika Maraakibta qaar baan ku xidhan oo iskaga taga marka ay arkaan xaalada, markaas haddii uu dagaal ina qabsado meel aynu ku ciirsano ma laha, Haamahani waa muhiim qaranka ayaa leh, inuu Qaranku gacanta ku hayo weeye, inuu laxe jeclo u lahaado weeye,  in Haamaha la ilaaliyo ayey ahayd.

Kolka hore in inta aan cid la siin iyo inta aan cidna loo qaybin in Haamihii la dayac tiro oo la hagaajiyo oo aynu ka baxno haddii ay waxa inagu yimaadan meeshii la waayo meel lagu shubo shidaalka, dayac tirkooda ayaa koow ah”. Eng: Maxamed Xaashi ayaa mar uu ka hadlaayey Shirkadaha lagu wareejinaayey Haamaha ayaa yidhi “Shirkadahan la yidhi waa loo qaybinayaa qaar baan liisan lahayn, kuwii hore u joogay iyo kuwan kaleba waxa weey in midna gacanta loo galiyo  maaha, Haamahu waa inay Dawladdu gacanta ku haysaa, waa inay Dawladdu ilaalisaa, waa in la xasladaa, Ninbaa shaybaadh wanaagsan ka keenay  Kenya iyo dhankaas waxa uu galiyey meeshii, shaybaadhkaas waxa lagu eegayaa anwaacda Shidaalka la inoo keeno, Ninka ganacsiga ahaa waxa uu jecel yahay inuu inoo keeno Shidaalka ugu jaban, kii ugu jabnaana ina anfici maayo, kolkaas Laabkii uu ka shaqaysiin lahaa ee uu keenay ee meesha la dhigay waxa uu waayey cidii ilaalin lahayd ee marka la tijaabiyo, cidii odhan lahayd Shidaalkiisi wuu xun yahay, cidii talaabo ka qaadi lahayd, wey iska xidheen bahalkii,  Wadadaka meesha Madaxa looga dhigay waa Nin wadaada ah oo Masaajidka ku jiray oo Gadhkii iska xiiray dabadeed arimihii buu galay, waxayna noqotay inuu isagu meeshiiba ka taliyo, xitaa maalintii la furayey Laabka waxa uu yidhi Dawladda ayaa sameeysay, in Shirakdi sameeysayba kama war hayo, kolkaas Nimankii Ganacsatada ahaa ee waliba kuwa cusubna lagu soo daray laguma aamino karo Shidaalka dalka imanaya, iyada oo la tijaabiyo oo Dawladdu gacanta ku hayso baa lagu aamin karaa, kow waxa ah in marka hore Dawladdu qandaraas ku bixiso, oo la dayactiro Shidaalka, oo qolo caalamiya oo farsameedada garanaysa la siiyo, in Dhuumaha dushiisa uu ahaan jiray la soo mariyo, oo Markabku halkaas kaga shubi karo, waana inuu laxaamadan karaa ka dalooshama, inagu farsamo yaqaano ma nihin qalabkeediina ma haysano, waxa aynu inagu kari karno, in la dayac tiro oo la ilaalyo. Ta labaad in qiimeeyo sida ay Maanta yihiin iyo waxa ay u baahan yihiin, oo Shirkad caalamiya gacanta loo galiyo dabadeedna la dhameeyo oo ay ugu horeeysiiyaan Beebkaas la jar jaray, waa ilaaliska Haamaha.

Ta saddexaad waxa weeyaan in kooto lagu bixiyo maaha, sharci odhanaya kooto ha lagu bixiyo ma yaalo kuwa Barlamaanka ka hadla ee yidhaahda Sharciga ayaa Madaxweynaha siinaya waa beenaalayaal, qodobka 12aad ee ay soo qaataan waa shan qaybood qayb qudha ayaa ka hadasha Madaxweynaha iyo Xukuumaddu wax ay awood u leeyihiin oo ah inay kirayn karaan, inay iibin karaan, laakiin waa xlima waa xiliga Dadka loo bandhigo ee loo siman yahay ee tartan la galiyo, markaas tartankiina waa laga talaabsanayaa.  Waxa nasiib daro ah in Nimankii Barlamaanka ahaa ee kitaabka gacanta saaray iyo Xukuumadda iyo Madaxda waxa ay ku iloobeen kitaabkii wixii ay Xukuumaddu kolba doonayso, saddex arimood ayaa dhaartooda ugu waaweyn, in Diinta Islaamka daacad u yihiin , tii wey ka baxeen,waxa ay ku dhaartan in dalka Somaliland daacad u yihiin tiina wey jabiyeen, waxa ay ku dhaartan in inta ay xilka hayaan inay dadku u siman yihiin, sinaana ku dhaqanyaan, tiina qandaraaska dadka ha laga dhexeeysiiyo waatan laga la yahay Maanta”. Dhanka kale Prof: Cabdisalaan Yasiiinoo halkaas  ka hadlay ayaa dhaliilo kala duwan u soo jeediyey Xukuumadda, waxaanu  uga digay in hantida Qaranka sida la doono loogu takrifalo, cid gaar ahna la siiyo.