Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka oo shaaciyey aragtida ay ka qabaan heshiiska Saddexda Xisbi ku go’aamiyeen Qabsoomida Shirka DOODDA QARAN

madashaHargeysa (SLpost)- Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka, ayaa gacmo-furn ku soo dhawaysay go’aanka ay saddexda Xisbi-qaran sida wada-jirka ah iskula qaateen qabsoomidda Shirka Doodda Qaran oo markii u hore hindisaheeda ay iska lahaayeen siyaasiyiinta ku bahowday Madasha Wada-tashiga.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa sidoo kale lagu xusay sida ay u taageersan yihiin go’aanka ay Akademiyadda Nabaddu ugu badheedhay inay dusha u ridato marti-gelinta doodda Qaran.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan: “Haddaanu nahay Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta iyo ururada la bahda ah sida Golaha Aqoonyahanadda waxaanu si diiran u soo dhaweenaynaa heshiiskii ay isla gaadheen seddexda Xusbi Qaran in si wada jir ah oo qabto Shirka Dooda Qaran. Si la mid ah oo niyadsami ah waxaanu teegaaraynaa go’aankii geesinimo ee ay qaadeen Akaadimiyadda Nabada Iyo Xalinta Khilaafaadka in marti geliyaan Shirkaa Dooda Qaran.

Waxaanu kale oo aanu si qalbi furan ugu mahad naqanaa Bulshada Rayidka, Ururada Dumarka iyo Dhalinyaridda, Golaha Aqoonyahanadda, Xildhibaanada Madaxa Banaan, Saxaafadda Madaxa Banaan iyo Shacabka guud ahaan gudo iyo debedba oo kulugooba qayb ka ahaa suurtagalka Heshiiskan.

Ugu dhambeentii, anagoo ku boorinayna cid kasta oo ay khusayso in ay si hagar la’aan ah u sii wadaan shaqadoodan amaanta leh, Madashu waxay si mug leh u aaminsantahay in dhaliilaha ku jira Dastuurka iyo Xeerarka Dalka uu noqdo mid ka mid ah arimaha ugu waaweyn ee lagu falanqeeyo Shirkaas.”

SOMALILANDPOST.NET