Machadka Faafinta Islaamka oo Xafiis cusub ka furtay Xarunta Gobolka Hawd

Hargeysa, (SLpost)-Machadka Faafinta Islaamka ayaa xafiis cusub ka furtay gobolka magaalada Balligubadle ee Hawd.

Xafladda furitaanka xafiiska cusub oo lagu qabtay Balligubadle ayaa waxa ka soo qaybgalay Badhasaabka Gobolka Balligubadle Jamaal Xuseen Hurre, madax-dhaqameed, Culimo, Waxgaradka gobolka, wakiilka Maxadka ee gobolka Sanaag  Sheekh Cawil Faatax Shirre Wakiilka Maxad ee gobolka Maroodi-jeex Sh. Xasan Qorone X. Cali iyo Gudoomiyaha Maxadka Faafinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge), iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn waxaa  xafladaasi ka hadlay Gudoomiyaha Machadka faafinta Islaamka

Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge) oo faahfaahin ka bixiyey xilligii la aasaasay machadkan iyo sababihii uu ku yimi “Machadkani waxa uu ka soo aasaasmay wadanka koonfur Afrika, waxaana aasaasay nin la odhan jiray Ahmed Didaal oo diinta faafin jiray anagase waxa uu naga soo gaadhay wadankaKenyaoo aanu ka soo qaadanay. Waxaa aanu machadkan bilownay laba sanno ka hore markii ay wadankeena qaraxyada iyo waxani ka bilaabmeen dadka xumaantan waanu ka wacyinaa wanaagan waanu farnaa naf dhimanaysa cidina ma baajin karayso ama ha la qarxiyo ma baalayo kale ah ku dhacdee waxaanu ka wacyina isqarxinta iyo tahriibta iyo waalid inkaarnimada intaas ayaa ugu weyn waxa aanu ka wacyi galino dhalinyarada. Ayuu yidhi Gudoomiyaha Machadka faafinta islaamka Sheekh Maxamed Maxamed Cabdi Yuusuf Mooge

Isna waxa halka ka hadlay Sheekh Xasan Qorane Xaaji Cali ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta keentay in hay’adan laga abuuro dalka isagoo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi “Markii inaga layna qarxiyey October 29/10/ 2009, xilliga inaga layna qarxiyey kadib ayay hay’dan soo bilaabmatay oo aanu samaynay barnaamij wacyi-gelin ah oo dadka dhalinyarada ah ardayda iskuulada dhigta kuwa macaahida dhigta kuwa jaamacadaha dhigta oo inta badan u nugul fikradaha khaldan inay qaatan dhalinyaradaasi. Marka ayaa fikirka looga sheekeeyo ilmaha yar la odhanayaa hooyada iyo aabaha qarxi jannada ayaad galaysayee. Ayuu yidhi Xasan Qorane Xaaji Cali

“Nin aanu dhegaysanay maalin dhowayd markii wasiirad arrimah gudaha la qarxiyey ee Soomaaliya inan ay qaraabo yihiin oo ay inaabti yihiin ayaa ku qaraxday oo weliba dibada ka timi oo tidhi halkan ayaan doonayaa inaan jaamacad ka dhigtee. Marka wacyi-gelinta ayaanu bilownay oo imika muddo laba sanno ah ayaanu wadnay wacyi-gelintaa oo magaalooyin badan ayaanu ka samaynay wacyi-galintaa oo ardayda jaamacadaha ayaanu la hadalay oo dugsiyada sarre ayaanu la hadalay, waxaasoo wacyi-gelin ah waxaanu u samaynay dhalinyaradeena u nugul fikradaha noocaas ah is looga wacyi-geliyo oo loo tuso xaqa oo loo baayaamiyo diinta loo sheego in aanay ahayn jihad iyo janno ku gal in dadka la laayo in ardayda la laayo inay diinta islaamka ku tahay gaf weyn oo cadiim ah. Ayuu hadalkiisii sii raaciyey Sheekh Xasan Qoran Xaaji Cali

Sidoo kale, wax isna munaasibada ka hadlay Guddoomiyaha cusub ee gobolka Sanaag

Sheekh Cawil Faatax Shire oo ka waramay in loo baahanyahay in lagu dhaqo diinta islaamka oo laga fogaado waxa sida khaladka dadka waxa u fahamsiinayaa “Habka uu ururkani ku bilaabmay waxa ahay in dadka aan diinta lahayn ama diinta islaamka ku jirin in kooga wax garanayaa ee diintooda garanaya ama helo kitaabka ah lagula doodo inay diintoodu baadil tahay oo ay teenu sax tahay ka aan fahmayn ee shacabkan ahna lagu wacyi-geliyo inuu isaga yimaado diin la’aanta oo diinta soo galo. Ayuu yidhi Sheekh Cawil Faatax

“Marka dad aan muslim ahayn ayay inta badan ku wajahnayd inagu waxaynu nahay dad muslim ah dadkeena muslim ahi waxaynu u baahan nahay toosin. Sidaa awgeed ayay halkan ujeedadeedan rasmi ahi waxay tahay in fahamka diinta haddii uu qaloocdo ama uu jahli galo qofkii diintiis wuu ka oomananayaa ama wuu ku khaldamayaa, ujeedada rasmiga ah ee ay halkeenan ka qabanaysaa waxa weeye dad soo islaamin mayso, laakiin waxa weeye in qofkii khaldana la yidhaahdo sidaasi waa khalad oo laga wacyi-geliyo ama khaladkaasi  ah noqdo mid caqiido ah ama ah noqdo mid akhlaaq xumo ah sidaa kaa dhalinyarad ah ee akhlaaq xumada samaynayaa iyo kaa naftiisa haligaya ee tahriibaya iyo kaa aabihii caasiyayaa. Marka waxaan leeyahay dhalinyarada waa inaynu fahano diinta islaamka iyo waxay na farayso.Ayuu hadalkiisii sii raaciyey Sheekh Cawil

Waxa munaasibad gebagebadii ka hadlay Badhasaabka gobolka Balligubadle Jamaal Xuseen Hurre ayaa dhalinyarad ku booriyey inay fikirka khaladan ay iska joojiyaan isagoo arrimaha ka hadlay waxa uu yidhi

“Ururkan waxaan leeyahay Balligubadle waa meel u dirayaa inay ka wacyi-geliso ama ka faafiso wax alle iyo wixii diinta islaamka ka horimanayaa. Marka waxa la doonaya in dhalinyarada laga wacyi-geliyo falalka xun xun ee ka socda dalka Soomaaliya ee ay ugu horeyso isqarxinto oo aanay diinta islaamka meel ay kaga jira aanay jirin, marka waxa weeye in dhalinyarada fikirka khalad laga wacyi-geliyo gobolku arrinta meel wayn ayuu ka taagan yahay. Ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Balligubadle Jamaal Xuseen Hurre.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net