Machadka Faafinta Islaamka oo kulan-diimeed u qabtay Haweenka Degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag

Ceel-Afweyn (SLpost)- Machadka Faafinta Islaamka ee ka hawlgala Somaliland, ayaa shalay kulan-diimeed u qabtay haweenka ku dhaqan Degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag.

Kulankaas oo ku saabsanaa fahanka saxda ah ee diinta Islaamku ka qabto wanaagga dhex mara dadka muslinka ah , waalid-caasinimada, in caruurta ka baro diinta saxda ah iyo is-jaceylka umad muslinka ah dhexdeeda, waxaana lagu qabtay  kulankaas Magaalada Ceel-afweyn, waxaana ka soo qayb galay Wakiilka Machadka Faafinta Islaamka ee Gobolka Sanaag Sheekh Cawil faatax Shirre iyo Haweenka Degmada Ceel-Afweyn.

Sheekh Cawil Faatax Shirre  oo duruus iyo muxaadirooyin diini ah kulankaas ka jeediyay, ayaa si faahfaahsan uga waramay waxyaabaha diinta suuban ee Islaamku ka qabto in dadka Muslinka ahi wanaag dhexdooda dhigaan, isla markaasna jaceylka u dhexeeya xoogeeyaan “Kulankan diiniga ah ee aynu iskugu nimi waxa weeye sidii aynu iskugu baraarujin lahayn diinteena suuban sida loo baahan yahay in loo fahmo, looguna dhaqmo waayo diintu waa diin xooga saartay sidii dadka muslinka ahi isku jeclaan lahayeen.” Sidaas waxa yidhi Sheekh Cawil Faatax, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “ Magaalada Madiina ayaa abaari ka  dhacday Nin sheekh ah ayaa yidhi aniga oo habeen masaajidka fadhiya oo berigaas masjidku laydh badan muu lahayn oo madaw  ayuu ahaa markaas nin  ayaa ii soo galay markaasuu mara-yar dhigtay kaabadaha Masaajidka wuu tukaday markii uu salaadii dhamaystay ayuu ilahay dhariyay oo uu yidhi ‘Ilahow roob shub’ siduu ninkii ilahay u barayay isaga oo halkii aan ka kicin ayuu roobkii soo daatay oo si weyn u da’ay, markaas taasi waxay ku tusaysaa in qofka muslinka ah ee dhawr soon ee wanaagsan dadkana aan dhibin, ilahayna raali ka yahay la aqbalaayo ducadiisa.”

Sheekh Cawil Faatax Shirre, waxa kaloo uu Haweenka kulan-diimeedkaas ka soo qayb galay kula dar-daarmay sidii ay caruurta iyo bulshada dhexdeeda xooga u saaraan barashada Diinta “Waxaa haboon in qofka muslinka ahi uu is-xisaabiyo oo qofwalba naftiisa dib ugu noqdo oo uu yidhaahdo maxaad ku fiican tahay, ma xaga sadaqada, ma xaga barashada diinta, ma xaga wanaag farista dadka, taas marka uu qofku la yimaado ayuu garanayaa waxa uu ku wanaagsan yahay iyo waxa uu ku xun yahayba, taasina waxay keenaysaa in qofku hagaajiyo halka uu ka liito.”

Ugu dambayntii Sheekhu waxa uu haweenka u soo jeediyay in ay caruurtooda ay xooga saaraan sidii diinta saxda ah loo bari lahaa, taas oo uu sheekhu sheegay in Haweenku uga ogaal badan yihiin raga oo iyagu gacanta ku hayaan caruurta.

Gebo gebadii kulan-diimeedkaas haweenkii ka soo qayb galay waxay Sheekha waydiiyeen su’aalo kala dunan, halkaas oo uu sheekhu jawaabo ku haboon ku siiyay haweenka.

SLpost News Desk