Macdan-qodayaal la raadinayo dalka Shiinaha

Shiinaha(SLpost)-Kooxaha gurmadka dalka Shiinaha, ayaa isku dayaya in ay soo badbaadiyaan ilaa sideed macdan qode oo ku xaniban dhulka hoostiisa kadib markii maalintii Jimcaha uu ku dul burburay godkii ay macdanta ka qorayeen.

151230084119_china_mine_collapse_640x360_ap_nocredit

Waxay ku guulaysteen in ay cunto iyo nalal gaadhsiiyay, iyagoo godad ay qodeen ku gaadhsiiyay, balse waxaa howlaha gurmad hakiyay dhagaxyo waawayn oo ku daatay iyo biyo ku butaacay.

Sagaal macdan qode ayaa wali la la’yahay, mid ayaa la ogyahay in uu dhintay. Ninkii lahaa macdanta ayaa isdilay dhowr maalmood ka hor.

Baadhitaan dambiyeed ayaa hadda socda si go’aan looga gaadho in dayacaad ay ka dhalatay masiibada.