Macalin wax ka dhiga Kulliyad u gaar ah dadka aaminsan Mad’habta Catholic oo iska casilay si uu Raysalwasaare ku-xigeen uga noqdo Soomaaliya

London (SLpost)- Macalin wax ka dhiga mid ka mid ah kulliyadaha ay wax ka bartaan dadka haysta mad’habta Catholic ee dalka Ingiriiska ayaa ka yaabiyey asxaabtiisii iyo ardaydiisii ka dib markii uu ku fashilmay inuu dugsiga ku soo noqdo fasaxii ka dib, maxaa yeelay waxa uu shaqo cusub ka helay dalka Soomaaliya isaga oo loo magacaabay ku-xigeenka Raysalwasaaraha Dalkaas.

Shabakadda wararka ee Somalilandpost.net oo ay u suurto-gashay inay hesho macluumaadka la xidhiidha noloshiisii Ingiriiska iyo sida uu shaqada ku helay, Maxamed Ibraahim oo 64 jir ah waxa uu labadii sanno ee u dambeeyay bare ka ahaa Kulliyadda Newman Catholic College ee bariga magaalada London.

Si kasta ha ahaatee, Mr. Ibrahim oo si weyn lug u yeeshay siyaasadda dalkiisa, waxa dib loogu yeedhay inuu jago sare ka qabto dawladda ku-meel gaadhka Somalia ee reer galbeedku taageero taas oo loo soo bandhigay dhammaadkii xagaagan.

Maamulaha kulliyadda uu ninkan ka tirsanaa oo lagu magacaabo Richard Kolka oo ka hadlaya markii ugu horreysay ee uu ka war helay mid ka mid ah shaqaalihiisa  oo siyaasadda  u janjeedhsaday ayaa yidhi, “Waxaan markii ugu horreysay ka maqlay arrinka Maxamed mid ka mid ah shaqaalaha kulliyadda oo Soomaali ah kaas oo ii sheegay in loo magacaabay jago muhiim ah oo siyaasadeed.” Isaga oo hadalkiisa raaciyay, “Waxaan magaciisa ka baadhay internetka, dabadeed waxa ii soo baxday in loo magacaabay ku-xigeenka raysalwasaaraha Soomaaliya, taasina waxay igu dhalisay layaab iyo u-qaadan-waa.”

Mr. Kolka waxa uu sheegay in tallaada uu ninkani ku dhaqaaqay aanay daacadnimo ku salaysnayn. Waxa uu xusay in Maxamed la soo xidhiidhay bishii August isaga oo u sheegay inaanu ku soo laabanayn shaqada oo loo magacaabay raysal-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.

“Waan u hambalyeeyay, laakiin waxay ahayd inuu qirto inay ka mid tahay xaaladaha aanad mararka qaar rumaysan karin,” ayuu yidhi Maamulaha kulliyaddu.

Mr. Ibrahim waxa uu iscasilaaddiisa ku sheegay in dalkiisa looga yeedhay loona soo bandhigay inuu  laba xil isku qabto – Raysalwasaare ku-xigeen iyo wasiirka arrimaha Dibadda.

Farriinta Email-ka ah ee kula soo xidhiidhay kulliyadda ayuu ku sheegay, “Waxa si lama filaan ah la iiga yeedhay dalkayga intii aan ku gudo jiray fasixii xagaaga wakhti dalkaygu dhex dabbaalanayo dhibaatooyin bani’aadnimo sida abaaro iyo macaluul. Mar kasta waan xusuusnaan doonaa Newman Catholic College mana illaabi doono asxaabtaydii aan isku wanaagsanayn.”
Waxa uu u ballan-qaaday inuu dugsiga soo booqon doono marka uu London yimaaddo ka dib marka uu ka soo qayb galo Fadhiga Golaha Qaramada Midoobay ee magaalada New York dhammaadka bishan.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net