Macadka Faafinta Islaamka oo Kulan-diimeed u qabtay Bulshada Ceerigaabo

Ceerigaabo (SLpost)- Macadka Faafinta Islaamka ee ka hawlgala Somaliland, ayaa todobaadkan kulan diimeed u qabtay bulshada ku dhaqan Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

Kulan-Diimeedka oo oo lagu qabtay badhtmaha Magaalada Ceerigaabo, waxa ka qayb galay Guddoomiyaha Macadka Faafinta Islaamka, Wakiilka Macadka ee Gobolka Sanaag, waxgarad iyo dadweyne tiro badan, waxanay kulan-diimeedkaasi ku saabsanayd fahanka saxda ah ee Diinta Islaamku ka qabto  Tabriibka, Waalid-caasinimada, isqarxinta iyo fahan xumida ku timaada barashada Diinta Islaamka.

Waxaa ugu horayn kulankaas ka hadlay Guddoomiyaha Macadka Faafinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge) oo faahaahin ka bixiyay ujeeddada socdaalkooda iyo shaqada uu Macadku u hayo bulshada islaamka gaar ahaan shacabka Somaliland, “Anaga oo ka kooban madaxdii sare ee Macadka Faafinta Islaamku, waxaanu safar shaqo ku nimi Gobolka Sanaag oo aanu soo marnay tuulooyin badan oo Gobolka ah, ujeeddada aanu u nimi waxa weeye inaanu dadka ka wacdino Tabriibta, Waalid-caasinimada, isqarxinta iyo fahan-xumida ku timaadda barashada Diinta Islaamka, markaas waxaan idin soo jeedinayaa bulshadiina ka soo qayb galay muxaadiradan diiniga ah ee ay idin jeedinaya sheekh-yada machadku inaad dhugmo iyo soo jeed wanaagsan ku qaabishaan oo aad laabta iyo qalbiga u dhaadhicisaan macaanka ku jira diinteena,” Sidaas waxa yidhi Guddoomiye Mooge, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi, “Macadku waxa uu ka shaqeeyaa dhammaan Gobolada Somaliland, waxaanu xafiis ku leeyahay Magaalada Ceerigaabo  oo madaxdiisu halkan inala fadhido.”

Sheekh Cawil Faatax Shire oo ah Wakiilka Macadka ee gobolka Sanaag oo halkaas muxaadiro diiniya ka jeediyay ayaa tilmaamay faa’iidada ay leedahay ku-dhaqanka waxyaabaha ay waajibisay diinta Islaamku, “Madama oo Diinteenu tahay mid naxariis badan, waxaan idin soo jeedinayaa inaad si sax ah diinta u barataan oo aad xoogga saartaan fahanka saxda ah,” ayuu yidhi Sheekh Cawil, waxaanu intaas ku daray, “Macadku waa machad diini ah oo ka shaqeeya arrimaha Diinta, waxaana inala jooga madaxdii u saraysay Somaliland, safarka dheer ee intaas le’egna waxay u soo galeen faafinta Islaamka iyo inay la kulmaan bulshada reer Sanaag.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net