Mac-hadka Faafinta Islaamka oo Kulan-diimeed u qabtay Wax-garadka degmada Baligubadle

DSCN0855Balligubadle (SLpost)- Mac-hadka Faafinta Islaamka ee ka hawgala Somaliland, ayaa kulan-diimeed wacyi-gelin ah u qabtay Waxgaradka ku dhaqan Magaalada Balligubadle ee xarunta Gobolka Hawd.

Kulan diimeedkaas oo lagu qabtay hotel Al-Xayaat ee Baligubadle, ayaa lagaga hadlay kaalinta ay ka qaadan  karaan waxgaradka ka wacyi gelinta bulshada arimaha dhaqan-xumada iyo waxa diinta islaamku ka qabto  ee ay ka mid yihiin in si khalad ah lo fahmo diinta, waalid caasimiga, is-qarxinta iyo adeecid la’aanta  dhexdooda, waxaana ka qayb-galay guddoomiyaha Mac-hadka Faafinta Islaamka, culimada Machadka, Maamulka Gobolka Hawd iyo waxgarad ka kala yimi daafaha Magaalada Baligubadle.

MACHADKA FAAFINTA (2)Ugu horayn waxaa kulan-diimeedkaas ka hadlay Wakiilka Machadka ee Gobolka Hawd Cumar Jamac Ducaale,  waxaanu sheegay inuu soo dhawanayo culimada ka socota Machadka Faafinta Islaamka ee booqashada ku tagay Magaalada Baligubadle, waxaanu carrabka ku dhuftay inay farxad weyn u tahay isaga iyo bulshada deegaankaas ku dhaqan inay soo booqtaan qaar ka mid ah culimada ugu waaweyn wadanka Somaliland.

MACHADKA FAAFINTA (1)“Maanta farxadweyn ayay noo tahay inay na soo booqdaan weftigan ballaadhan ee uu hogaaminayo guddoomiyaha Machadka Faafinta Islaamka Sheekh Mooge ee uu ka mid yahay Sheekh Carab ee safarkaas dheer noo soo galay sidii ay bulshada reer Baligubadle wacdi Diini ah ugu jeedin lahaayeen oo kulanka ballaadhan u qabtay waxgaradkii iyo akhyaartii ugu mudnaa Magaalada Baligubadle, taas oo iyaguna ay u sii gudbin lahayeen dadweynaha ay wakiilka iyo waalidiinta u yihiin waayo wax la isk sheego waxaa ugu faa’ido badan kelmada ku saabsan wacdiga diini ah, markaas waa inaynu wax ku qaadanaa oo aynu dhagaha u dhaadhicinaa,” Sidaas waxa yidhi Sheekh Cumar.

DSCN0882Guddoomiyaha Mac-hadka Faafinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi yuusuf (Mooge) oo isaguna kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin soo dhawaynta ay kala kulmeen Maamulka, culimada iyo dadweynaha Magaalada Baligubadle ee Gobolka Hawd, waxaanu yidhi, “Halkan waxaad ku fadhidaan intii ugu tunka weyndayd Gobolka Hawd, sababta aanu idinku soo xulayna waxa ay tahay maadam oo aad xuduud deggen tihiin in cid walba idiin soo talaabi karto oo imikaba waa taas aad qabateen waxaas oo khamri ah ee aad sheegteen, markaas sidaas oo kale waa inaad foojigo gaar ah u yeelataan waxa idin soo gudbaya oo aad bulshadiina fahansiisaan waxyeelada idinka iman karta waddamada aynu jaarka nahay.”

DSCN0880Sidoo kale, waxaa kulankaas diiniga ah ka hadlay Isku-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Gobolka Hawd Sheekh Cabdiraxmaan Aadan Diiriye, waxaanu  sheegay inuu soo dhawaynaayo kulan-diimeedkan uu qabtay Machadka Faafinta Islaamku, “Ka Wasaarad ahaan waanu soo dhawaynaynaa dadaalkan uu wado Machadka Faafinta Islaamku ee ay bushada ka wacyi-gelinayaan in diinta si khalad ah loo fahmo, waana wax u sheeg loo baahan yahay oo dadweynah wax u taraya, hadaanu nahay bulshadan reer Baligubadle-na waa mid aanu aad ugu baahanay waana inaad noo soo noq-noqtaan.”

DSCN0872Wakiilka Machadka Faafinta Islaamka ee Gobolka Maroodijeex Sheekh/Garsoore Xasan Qorane Xaaji Cali oo ka mid ah culimada  Mac-hadka Faafinta Islaamka ayaa halkaas si balaadhan uga war bixiyay xurmada ay diinta islaamku  siisay ilaalinta nafta bini’adamka, waxaanu sheegay in dad dhalinyaro ahi ay si khalad ah diinta loo fahansiiyo oo markaas qaadaan tabaalo ka soo horjeeda diinta.

DSCN0863Sheekh Maxamed Macalin Cabdi Carab oo muxaadiro dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay kulankaas, ayaa ka soo qayb-galayaashii kulankaas u sheegay inay carruurtooda diinta si fiican u baraan. “Waxaan idin soo jeedinayaa inaad ubadkiina aad gacantiina ku haysaan oo aad diinta bartaan waayo masuuliyad ayaa idinka saaran inaad xooga saartaan barashada diinta, waxaan la idinka baahan yaahay inaad bulshada ka wacyi gelisaan waxyaabaha fool-xumada keenaya ee aan ku haboonayn diinteena suubban, waxaana habboon inaad fahanka diinta si sax ah loo qaato,”  ayuu yidhi Sheekh Maxamed Macalin Cabdi Carab oo muxaadiro dheer halkaas ka jeediyay.

DSCN0867Ugu dambayntii, waxa kulan-diimeedkaas hadal ka jeediyay ku-simaha Badhasaabka Gobolka Hawd ahna Guddoomiye ku xigeebka Md Khadar Xasan Xirsi, waxaanu sheegay inay ka maamul ahaan xoogga saareen sidii ay u xoojin lahayeen guddida ka shaqaysa ka wacyi gelinta bulshada wixi Diinta ka soo horjeeda. “Mac-hadkan faafina Islaamka ee Baligubadle yimi maaha markii ugu horaysay ee ay yimaadaan marar horeba waa noo yimadeen oo dib inay noogu soo noqdaana waanu sugaynaa, waxaanan idin sheegaynaa ka maamul ahaan waxaanu xoogga saaraynaa inaanu magaalada ka cidhib-tirno wixii xumaan ah waayo waxaanu degen nahay xuduud, xuduudkuna dhibtiisa ayuu leeyahay oo cid wal oo xumaan iyo fisqi waddaa waa ku soo galayaan, markaas dadaal dheeraad ah ayaanu gelaynaa,” ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Hawd.

DSCN0856

SOMALILANDPOST.NET