Mac-hadka Faafinta Islaamka oo 150 Dhalinyarada Xaafadaha Boorama u Qabtay Kulan-diimeed Wacyi-gelin ah

Boorama (SLpost)- Mac-hadka Faafinta Islaamka ee ka hawl-gala Somaliland, ayaa kulan-diimeed wacyi-gelin ah u qabtay qaybo ka mid ah Dhalinyarada Xaafadaha magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal.

Kulan-diimeedka oo ku qabtoomay Hotel MAANA ee Magaalada Boorama, waxaa ka qayb galay Madaxda Mac-hadka Faafinta Islaamka, Culimo-awdiin, Waxgarad iyo dhalinyaro tiradoodu ka badan tahay 150, kuwaas oo ka kala socday xaafadaha magaalada Boorama, waxaana halkaas looga jeediiyey muxaadarooyin laga wacyi-geliyay Dhaqamada aan ku wanaagsanayn Diinta Islaamka sida tahriibka, waalid-caasinimada iyo ficillada ku yimaadda faham-la’aanta dhinaca Diinta.

DSCN4868Sheekh Cumar Cabdilaahi oo ka mid ah culimada Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista ee Gobolka Awdal oo ugu horeyn kulankaas ka hadlay, ayaa dhalinyarada ku wacyi-geliyey sidii ay uga faa’idaysan lahaa fursadaha ay haystaan, waxaanu yidhi, “Dhalinyarooy waxaad haysataan Fursad aad u wanaagsan hadday tahay xaga aqoonta, wakhtiga iyo fursadaha shaqo ee aad samayn kartaan, waayo maaha shaqadu inaad xafiis fadhiisato ee waxaad samayn kartaan xirfado yar-yar oo ay ka mid yihiin inaad samaysaan oo dhaqi kartaan Digaag, waayo immika waxaad og tihiin in beedkii aad qaali u noqday. Haddaad sidaa u fekertaan, taasi waxay idin fududaanaysaa markaad xadhigga Illahay qabsataan oo aad noqotaan kuwo aan ku fikirin arimaha diinteena ku xun ee tahriibka, waalid caasiga iyo wixii aan diinteena ku fiicnayn.”

DSCN4890Sheekh Maxamed Faarax Raage oo ka mid ah Culimada magaalada Boorama oo kulanka k ahadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey dedaallo ay kobcinta barashada Diinta Islaamka kor ugu qaadayaan Jimciyad lagu magacaabo Alhudda oo ay ku midoobeen madarasado tiro badan oo ku yaala Caasimadda Gobolka Awdal.

Sidoo kale, culimada kulankaas ka hadlay ka mid ahaa Sheekh Mawliid Maxamed Cabdi oo si qoto-dheer uga hadlay muhiimadda ay dhalinyarada u leedahay barashada Diinta iyo culuunta la xidhiidha.

DSCN4881Sheekh Cali Aadan Nuur oo hadallada laga jeediyey kulanka kaddib muxaadaro qiimo leh u jeediyey dhalinyarada, ayaa sharraxaad ka bixiyey Qiimaha ay qofka dhalinyarada ah u leedahay Barashada Diinta Islaamka iyo sida uu bulshadiisa ugu faa’idayn karo inay noloshiisu ku tiirsanaato ku-dhaqanka waajibaadka Eebbe ku faray Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah. Waxa uu Sheekhu sheegay in Diinta Islaamku tahay diin naxariis badan, loogana baahan yahay umadda muslinka ah inay barashadeeda xooga saaraan. Waxa uu Sheekhu dhalinyarada ugu baaqay inay fursadda dahabiga ah ee haystaan uga faa’idaystaan barashada Diinta Islaamka, isla markaasna ay u gudbiyaan bulshada ay la nool yihiin.

Mac-hadka Faafinta Islaamka ayaa ka shaqeeya arrimaha Diiniga ah, waxaanu kulan-diimeed dhalinyarada lagaga wacyi-gelinayo dhaqamada aan ku haboobayn ee lidka ku ahli Diinta Islaamka ku qabtaa dhammaan gobollada dalka.

DSCN4886 DSCN4883 DSCN4880 DSCN4871 DSCN4872 DSCN4876