Maayorka Degmada Laasqoray Oo Qiray In Lacag Shilin Soomaali Faalso Ahi Kasoo Degtey dekedda magaaladaas oo ay Hore uga Soo Degi Jirtey

maayorka laasqorayCeerigaabo (SLpost)- Iyadoo Beryahanba ay jirtey Lacag cusub oo shilinka Soomaaliga nooceeduna yahay Kun-kun oo Faalso ah oo kusoo qulqulaysa Magaalada Ceerigaabo iyo Degaanada Bariga Sanaag. Islamarkaasna warbaahinta qaarkeed hore u shaacisay in lacagtan faalsada ahi kazoo degtey Xeebta u dhow magaalo-xeebeedda Laasqoray ee gobolka Sanaag ayaa waxa markii ugu horraysey Maayorka Degmada Laasqoray Maxamed Ayaan Cashare isagoo ku sugan magaalada Ceerigaabo Meel fagaare ah ka qirtay in lacagtaasi kazoo degtey Laasqoray horena uga soo degi jirtey.

Kaddib markii saddex suxufi oo xog ururis ugu jira xaaladda lacagtan faalsada ah oo khal-khal gelisey guud ahaanba noloshii iyo ganacsigii bulshada Ceerigaabo iyo Sanaag-bari ku dhaqani ay weydiiyeem arrinta lacagtaas waxa uu ka ogyahay wuxuna ku jawaabey maayorkani “Laasqoray bay kazoo degtey horena uga soo degi jirtey hadderna kazoo degaysaa annagu Somaliland-na ma naqaanno”.

Arrintan ayaa ah mid u marag furaysa hadalladii warbaahinta qaarkeed hore u daabaceen, waxayna sidoo kale muujinaysaa haddii aan xukuumaddu allaabo degdeg ah ka qaadin arrintaas iyo cid kastoo gacan-saar la samaynaysaba in ay dhici karto goobahaas lacagta faalsada ahi kazoo degtey mas’uuliyiintii xukuumadda u joogteyna weliba ku adkaysanayaan  in ay adeegsan karaan kooxaha argagixisada ahi kalana soo degi karaan hub iwm taasoo kasokow khal-khalkna dhaqaale ee imminka lacagtani abuurtay soo kordhin karta arrimo nabadgelyo xumo oo aan xilligan danta ummadda Somaliland ku jirin.

Somalilandpost.net/Ceerigaabo