Maayeeryaha Wakaaladda Korontadda oo sheegay inay hawlo nadaafadeed ka waddaan Masaajida Caasimadda

Hargeysa (SLpost)-Maayeeraha wakaaladda korontadda ee Somaliland Md Weli Axmed Xaawa oo ay weheliyaan shaqaalaha wakaaladu ayaa maanta ka qaybgalay olole kor loogu qaadayo bilicda iyo naafada shan masaajid oo ku yaala caasimadda magaaladda Hargeysa.

Waxa uu  maayeeriyuhu sheegay inay ka fulinayaan ololaha degmooyinka ay ka kooban tahay caasimadda Hargeysa, iyaga oo ku beegsanaya inay ku nadiifiyaan barxaddaha masaajidada.Islamarkaan ay ka qaybqaatan bilicda dhinaca laydhadhka ee masaajidada mudada lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Maayeeryuhu wuxuu intaa ku daray inay muddo toddobaad ah waddi doonaan hawshaasi, taasi oo ay wadda gaadhsiin doonaan shanta degmo ee ay ka koobantahay magaaladda. Iyaga oo u qorsheyey maalint-baa ilaa shan masaajid inay hawsha ka fuliyaan, waxayna maanta hawlo ka soo fuliyeen shan masaajid oo ku kula yaala 26 Jun iyo Koodbuur.

SOMALILAND POST.NET

HARGEYSA/SOMALILAND