Maayeeraha Wakaaladda Koronta oo shaaciyey Korodhsiimo lagu sameeyey wakhtigii uu Bixi jiray laydhka dawladdu

Hargeysa, 24 March, 2012(SLpost)-Maareeyaha Wakaaladda Korontadda ee Somaliland Md Weli Axmed Xaawa,ayaa shaaca ka qaaday inay kordhiyeen wakhtigii ay Wakaaladdu dadweynaha u fidinaysay adeegga Korontada, isaga oo xusay in adeeggoodu shaqayn doono Maalin iyo Habeenba.
Maareeyaha wershadda laydhka oo u waramayey warbaahinta ayaa intaa ku daray inay dedaal dheeraad ah iyo karti fara-badan oo ay sameeyeen shaqaalaha iyo maamulka hay’adda korontadda ee Hargeysa, ay suurta galisay in laydhka dawladdu wixii imika laga bilaabyo shaqaynayo afar iyo labaatan saacaddood-ba. Waxaanu sheegay inay tahay markii ugu horreysay hay’adda korontada ee Dawladdu maamusho ay arrintaa ku dhaqaaqdo.

Waxa uu Maareeyuhu Sheegay in Kordhinta Adeeggooda aanay sababin isla markaana aanay jirin Mishiinno cusub oo ay keeneen, balse ay  dayactir ku sameeyeen ugu yaraan lix mashiin oo hore u yaallay.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net