Maayarkii Caasimadda oo Maanta si Heer Qaran ah loogu Aasay Xabaalaha Xeedho ee Duleedka Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Maayarkii Caasimadda Hargeysa Marxuum Eng Yuusuf Warsame Siciid, oo shalay subaxnimadii ku geeriyooday Cusbitaalka Al-Khaliifa ee magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa maanta aas Qaran loogu qabtay xabaalaha Xeedho ee duleedka Woqooyi ee Hargeysa.

Meydka Marxuumka oo Saaka barqadii laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha magaaladda Berbera, ayaa waxa Salaadii Duhur ka dib la soo gaadhsiiyay Hargeysa, dabadeedna markii la maydhay loo gudbiyey, laguna aasay Xabaalaha Xeedho, waxaana salaaddii Jinaasada ka qayb-galay boqolaal qof oo ay ka mid yihiin Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Wasiirro, siyaasiyiin, culimo, madax-dhaqameed iyo dadweyne kale oo tiro badan.

Aaska MaayarkaShakhsiyaad ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda, Sh. Aadan X. Muxumed Xiiray (Aadan-Siiro), Wasiirkii hore ee Daakhiliga Cabdilaahi Cirro, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdilaahi Cukuse, ayaa dhammaantood ka sheekeeyey taariikh nololeedka Marxuumka iyo waayihii uu soo maray.

Af-hayeenka Guddida Doorashooyinka Maxamed Xirsi Geelle oo isagu ka mid ahaa shakhsiyaadka ay aqoonta isku lahaayeen Marxuumka, ayaa sheegay in Marxuum Eng. Yuusuf Warsame Siciid uu sameeyey Astaantii Ururkii SNM.

SOMALILANDPOST.NET